ngiriiska Oo Ka Hadlay Mowqifka Beesha Caalamka Uga yaalla Haddii Wax Natiijo Ah Laga Gaadhi Waayo Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

0

Dowladda Britain oo dhiirrigelisay in dalalka Derisku ka qayb-qaataan geeddi-socodka wada-hadallada
“Inkastoo weli dawlada Turkigu u dhexdhexaadinayso, labada dhinac ayey ku xidhan tahay qaabka wadaxaajood u yeelanayaan iyo cida kala….” – Safaarada Ingiriiska ee Addis Ababa.

Hargeysa(Biyo Guure News)-Dowladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday qorshaha beesha caalamka uga yaalla haddii lagu guul-darraysto isla markaana natiijo kama dambays ah laga gaadhi waayo wada-xaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse waxa ay sheegtay inay dhiirigelinayso sidii wada-hadalladu u qabsoomi lahaayeen.
Safiir ku-xigeenka Saxaafadda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa, Ms. Cat Evens, oo shalay ka qayb-gashay furitaanka Bandhigga Caalamkga ah ee Buugaagta Hageysa, waxa ay sheegtay inay dowlad ahaan iyo beesha caalamkuba taageersan tahay in wada-hadalladu sii socdaan isla markaana natiijo labada dhinacba ku qanacsan yihiin ka soo baxaan, balse aanay saadaalin karin natiijada ay wada-xaajoodyadu ku dhammaan-doonaan, iyadoo xustay inaanay jirin cid Soomaalida uga dhow inay ka midho-dhaliyaan wada-xaajoodyadkooda, isagoo ku doodday in Soomaalidu caado u leedahay wada-xaajoodka, caqabado kasta oo la soo gudboonaadana ay iyagu xalistaan.
Ms. Evens oo Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsan kula kulmay Xafladdii Daah-furka Todobaadka 8aad ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxa uu Weriye Walaaleeye ku weydiiyey mowqifka dalkeedu ee la xidhiidha inay goobjoog ka ahaadaan wada-xaajoodyada la saadaalinayo in Somaliland iyo Soomaaliya dib ugu furmaan, kaddib markii ay u joogsadeen arrimo farsamo oo labada dhinac isku diideen, waxa ay Ms Evens ku jawaabtay, “Ingiriisku wuu taageerayaa wada xaajoodka labada dhinac iyo inay wada hadal isugu yimaadaan, si ay heshiis uga gaadhaan xidhiidhka mustaqbalkooda, waanan la socon doonaa, inkastoo weli dawlada Turkigu u dhexdhexaadinayso, labada dhinac ayey ku xidhan tahay qaabka wadaxaajood u yeelanayaan iyo cida kala qeybgelaysa inay ka heshiiyaan,” ayay tidhi Ms Evens.
Ms Evens oo la weydiiyey inuu jiro qorshe beesha Caalamku uga yaalla haddii wada xaajoodyadu midho-dhal noqon waayaan, may sheegeen qorshe layla ogyahay oo beesha Caalamku isla ogtahay, balse waxa ay sheegtay inay muhiim tahay sidii dalalka Deriska ahi uga qayb-qaadan lahaayeen dedaallada socda, waxaanay ku jawaabtay, “Soomaalida waxaan aqaanaa inay wada xaajoodyada ku wacan yihiin, laakiin dalalka jaararkuna inay kaalin ka qaataan way mudan tahay, waanu eegi doonaa halka talaabada labaad ku dhamaato,” ayey tidhi Ms Evens.
Hadalka haweenaydan ku-xigeenka ka ah safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan wasiir ka tirsan xukuumada Ingiriisku oo booqasho ku yimi Hargeysa uu madaxda Somaliland kala hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-xaajoodyadii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.