Xisbiyo Qaran Dalka Kama Jiraan!! Sadexda Aad Maqashana Waxa Iska Leh Sadex Qof W/Q/Xuseen Warabe.

0
Xisbiyo qaran marka la abuurayo waxa loo baahanyahay in marka hore la helo aragtidii xisbiga iyo u jeedadii loo unkay hiigsigii uu kuhayaami laha iyo dadkii hagayay hogaanka u hayay.Tusaale ahaan xisbiga aragtidiisu ay tahay dadka muruqmaalka ah ama danyarta ah inuu gacan siiyo,waxa hubaal ah inqofkasta oo dadkaasi ka mid ahi xisbiga taageeradiisa siinayo waayo waa xisbi u jeedo leh abaar iyo yool uu higsadona haysta. Hadii uu xisbigu dadka maalqabeenada ah danahooda ilaalinayo waa lamid, hadii uu xisbigu deegaanka ilaalinayo waa lamid waana u jeedo umadi isku raaci karto kuna midoobi karto.Somaliland shacbi ahaan iyo siyaasigeenu midna umay bislayn hawlahaas aynu soo sheegnay.
Qaabdhismeedka aynu u


soo noolayna meelna kama soo galo dimoqraadiyada hananka xisbiyada badan, taasi waxay dhalisay inay xisbiyadii la abuuray noqdaan kuwa ku kooban qofkii seeskiisa dhigay sida guryahaba qofka dhista u yeesho mulkigooda.Xisbiyada qaranku waxay la midyihiin dhakhtarada wadooyinka waayo waa dad u buhoobay inay dadka danahooda ka arimiyaan waxay shuraako u yihiin umada guudahaan horumarkeeda oo dhinac kasta ah.Somaliland xisbiyadi malaha u jeedo iyo abaar aragti aan ahayn kursiga ku fadhiiso kaliya, marka uu ku fadhiistana inuu danihiisa ku fushado kuna takri falo awooda ay umaddu u dhiibatay.Dadka badankoodu sidaas way arkaan aynu soo sheegnay waxay sugayaan bal in isbadal maalin uun yimaado lagaga raysto aafadan ragaadisay horusocodkii dalka. waydiintuse waxay tahay Xisbi qof leeyahay ma dhalayaa xisbi qaran? hadii  warcelintu maya tahay marka hore xisbiyo qaran  aynu dhisno si aynu u helno dawlad qaran