Karaamada Eng Faysal Cali Waraabe Waxa Ay Ku Jirtaa Jamaal Oo Madaxweyne Noqda!

0

Guddoomiyaha Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka UCID Eng Faysal cali Xuseen(Faysal caliwaraabe) waa mujaahid muujiyey, Dimuquraadiyad Buxda oo dhammeys-tiran. Waxanu noqon doonaa Gudoomiyihii koobaad ee fuliyaa ama uu Hoggaan-sama shurucda dalka uu taalla, isagoo Taarikhda ka geli doonaa Baal dahab ah oo aanay cidi kula tartami doonin dunidana Taarikh ayaa ka hadha ee manfac kuma an-faco.

Eng faysal waxa uu fuliyey waajibaad ku ad-kaa saaxiibadiisi ay siyaasadda isku hayeen, kadib markii uu  laba doorasho oo Madaxweyne-nimo isku soo taagay kuwaas oo aanu Illaahay wax calaf ah ugu darin inuu ku guuleysto. Waxana uu hoggaan-samay shurucda iyo Dastuurka u yaalla somaliland kaas oo aan qofna siiney inuu saddex teeram oo isku

xiga ka qayb galo Doorashada, waxana uu Faysal raacay Nidaamkii dastuurka, waxanu kaga dhabbeey, waji Cusub inuu u yeelo Siyaasadda Somaliland.Sidoo kale, waxa uu soo xushay shekhsiyaad Xisbiga guul uu horseedi kara waxanu shacabka Reer Somaliland  usoo xulay laba aqoon-yahan kuwaas oo ah dad Siyaasadda aan hore ugu Milmin Sababta koobaad ee Faysal kusoo xushay labada aqoon-yahan waxan uu arkaa inay ahayd inuu Siyaasadda Xisbigiisu noqoto mid u jan-jeedha dhalinyaradda kana soo hor-jeeda rag hore ugu  soo milmay Nidaamyadii hore kuwaas oo aanay shacabka u bahneyd.

Laba aqoonyahan ee uu keenay Faysal cali waraabe, waa rag ka dhisan xagga Cilmiga. Kuwaas oo ka soo baxay Jaamacaddaha aduunka ugu qaalisan, waxan ay labadooduba soo maamuleen qaar ka mid ah wadaamada aduunka oo ay ka soo shaqeeyen, Jamaal oo kale, waxa uu Madax ka soo noqday ama soo maamuley Banan caalami ah kuwaas oo uu Madaxa ugu  sareeya ka noqday. Jamaal waxa uu wax kusoo bartay dalka Mareykanka isagoo Jaamacadda ugu sareysa dalkaasi wax kusoo bartay kana soo qalin jebiyey Culuumta dhaqaalaha, Somaliland wax yaabaha ay shacabkeedi uu baahan yihiin Masuul wax uga qabtaa waa dhinaca dhaqaalaha oo gaadhay meel aad uu xun, dhinaca sixir-bararka kor u kaca Sarifka Dollarka iyo Kaantarool la’aanta dawladda.

Waa Hubaal hadii jamaal cali Xuseen ku guuleysto Doorashada soo socota inuu dhaqaalaha dalku kor u kacaayo, sidoo Tallaabooyinka koobaad ee uu qaada noqon doonto kuwa taabanaaya dhinaca Bulshada sida xaaladihii aynu ka soo waranay.

Sidaasi daraadeed, Himiladaas waxa dalka iyo dadka u horseeday Gudoomiye Faysal cali waraabe oo jaanis-kaas isagu u keenay dalka iyo dadkana hormuud uga noqday baahiyaha aas-aasiga ah ee ay Bulshadu tabeyso, waxana uu noqon doonaa mid maalin walba Tusaale ugu noqda wanaagga somaliland ku tallaab-san doonto. Eng Faysal waa Muwaadin dhab ah oo hadii ay Mur ka qadhaadhay u taagan bad-baadinta iyo Qaranimada somaliland maantana waxa uu ku daray Jaanis ay ummaddu ka faa’ido waxana markhaati ma doon ah inuu dhisaayo sidii Jamaal iyo ina Xasan maatan ay Madaxweyne uu noqon lahaayeen, waxanan  beeninayaa baro-bogaandada ay Warbaahinta dawladu maalin walba sameyso ee khilaaf ayaa Ucid ka dhex qarxay waa Nasiib daro inay wax kale, kula tartamaan ayey ahayd.

W/Q

Abokor Qaasim Suguule.

Qaasim4422@gmail.com

Hargeysa/somaliland

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=161133#sthash.ULtytlEP.dpuf