Dadweynaha Reer Buuhoodle oo Magaaladaas Dhagax-tuur Kaga Saaray Ciidammo Iyo Masuuliyiin Puntland Ka Yimi

0

Baacsigii Ciidanka ee Shacabka, la-wareegiddii Saldhigga Buuhoodle, Gubistii Calanka Puntland, Weedhaha kulul ee Bulshada iyo Jewigii ka dambeeyey

Buuhoodle-Hal qof ayaa ku dhaawacmay Iska-hor-imaad kulul oo magaalada Buuhoodle ku dhex-maray Ciidammo ka tirsan Booliska Maamul-goboleedka Puntland iyo Shacabka magaaladaas, ka dib markii ay Shacabka Buuhoodle is-hor-taageen, isla markaana Dhagax-tuur kala hor-tageen Munaasibad Xus ah oo Masuuliyiin Puntland ka yimi doonayeen inay ku qabsadaan Garoonka Kubbadda Cagta Xabbado ee magaaladaas, kuwaasoo iyaguna rasaas u adeegsaday dadweynaha.
Shacabka Buuhoodle, ayaa gacanta ku dhigay Saldhigga Booliska Buuhoodle oo ay gacanta ku hayeen Booliska Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanay gudaha Saldhiggaas ku xidhxidheen qaar ka tirsan Askartii Saldhiggaas, iyagoo gubay Calanka Puntland, isla markaana ka taagay Saldhiggaas Calanka Kooxda Khaatumo la baxday oo iska-hor-imaadka qayb ka ahayd, lana safnayd Shacabka Buuhoodle.
“Puntland ha dhacdo, halkan Puntland kama taliso, Calooshooda-u-shaqaystayaashu ha dhacaan, halkani waa Buuhoodle, Calooshooda-u-shaqaystayaasha laba gar-daaqa ahi halkan kama taliyaan….” Weedhahaas iyo kuwo la mid ah oo ku lid ah Puntland iyo cidda taageeraysa ama hor-socota ee deegaanka u dhalatay ayay ku dhawaaqayeen dadweynaha reer Buuhoodle.
Shacabku waxay Dhagaxan, Budhadh iyo waxyaabo la mid ah ku baacsadeen qaar ka tirsan Gaadiidka Tignikada ah ee Booliska Puntland, kuwaasoo dadka Xabbad ay inta badan kor u ridayeen iskaga reebayey markii ay Shiid aan gabbasho lahayn hadhka kaga dhigeen Askarta iyo Masuuliyiinta Maamulka Puntland ka socday, waxaana halkaas ku fashilantay Xafladda ay Kooxda Puntland ka socotay doonaysay inay ku qabtaan Garoonka Kubbadda Cagta Xabbado ee magaalada Buuhoodle.
Waxay dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle, sheegeen in aanay raalli ka ahayn inay Ciidammo hubaysan oo Puntland ka socdaa ugu yimaaddaan magaaladooda, isla markaana ay si weyn uga soo horjeedaan, lana dagaallamayaan oo ay dhiiggooda u daadinayaan haddii ay Puntland isku daydo ama sheegato in ay ka taliso ama maamusho gobolka Cayn ee xaruntiisu tahay Puntland. “Daba-dhilif waynu ka maarannaa, aan dilno Calooshooda-u-shaqaystayaasha dhibaatadii ay Puntland Taleex ka geysatay Buuhoodle u soo wareejinaya….” Weedhahaas ayaa ka mid ahaa kalmadaha ay dadweynaha reer Buuhoodle ku dhawaaqayeen.
Inkasta oo ay saacado badan oo shalay ah Xiisaddu kacsanayd oo jewi is-dhex-qaad, rasaas iyo dhagax-tuur ah ay ku jirtay magaalada Buuhoodle, haddana markii dambe ee Ciidammadu iskaga baxeen gudaha magaalada waxay dadweynaha reer Buuhoodle isugu soo baxeen Saldhigga ay Booliska Puntland ka qabsadeen iyo Garoonka Kubbadda Cagta ee ay iska-hor-taageen Xafladdii la doonayey in lagu qabto, goobahaas oo ay dabbaal-deg, farxad iyo ciyaaro ku muujiyeen.
Waxay dadweynuhu ku dhawaaqeyeen markii ay jewiga farxadda iyo guushu ka muuqato muujinayeen, weedho ay ka mid ahaayeen; “Dhagax baannu kaga saarnay Buuhoodle Dhagar-qabayaasha Puntland iyo Calooshooda u shaqaystayaasha nagu soo duulay.” Waxaanay halkaas kula soo baxeen Calanka Kooxda Khaatumo oo iyada lafteedu dhex-qaadaysay dadweynaha gedoodsanaa. Balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Puntland oo la xidhiidha kacdoonkan ay kala kulmeen reer Buuhoodle.