Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Nooca Baasaboorka Ay Ku Baxayaan Ciidanka Somaliland Ee Sucuudiga Tegayaa

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay in ay guul iyo is af-garad ku soo dhameeyeen dil dhawaan ka dhacay Ceerigaabo oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka taasoo uu sheegay in labadii beelood ee marxuumka iyo gacan ku dhiigluhu ka soo kala jeedeen in ay Weftigii Xukuumadda la qaateen in wada jir nabada looga wada hawl galo iyo in aan dhibaato dambe dhicin waxaa kale oo uu intaa ku daray in gacan ku dhiiglihiina laga sugayo in ay keenaan beesha uu ka soo jeedo oo muddo loo qabtay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ciidanak Somaliland ee Sucuudiga tegaya halka ay hawshiisu marayso iyo baasaboorka ay ku dhoofayaan ee Sucuudigu Fiisaha dal ku galka ugu samaynayo. Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Codka Shacabka.

Ugu horrayn Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo socdaal kaga soo noqday magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, oo aanu wax ka waydiinay shaqaaqadii dilka ahayd ee ay xalinteeda ugu kici timeen Ceerigaabo waxay ugu soo dhamaatay ayaa ku jawaabay. sarlaak ciidan ayaa dilka loo geystay wax cidi isku ogayd iyo arrin beeleed minda ma ahayn ee qof shaydaan watay ayaa dilka geystay waxaanan ugu gurmanay in aan dhibaato kale kala gaadhin dadka walaalaha ah ee labada beelood ee midna marxuumku ka dhashay midna gacan ku dhiigluhu ka soo jeedo dadkeenuna waa dad wanaagsan waanay nga aqbaleen nabadii iyo wanaagii aanu ula tagnay arrintana waxaa la isla gartay in aanay riiq kale iyo dhibaato midna keenin cid kalena aan wax yeelo ka soo gaadhin waxaana lagu guddoonsaday in gacan ku dhiiglihii la doono oo marka la keeno sharciga la mariyo markaa balantaasoo la isla wada qaatay ayaanu ku kala nimi khayr iyo wanaag ayaanan halkaa ku ogahay.”

Wasiir Cadami oo aanu waydiinay dilalka Ciidanka gudihiisa ee soo noq noqday in lagu sababayn karo saluug xaga derajada ka yimi iyo in ay ka Xukuumad ahaan daraasad ku sameeyeen sababaha keenay,ayaa ku jawaabay. “horta midi wax aan waxba ka jiri weeye oo saluug derejo dilalka ciidanka ka dhex dhacay sabab uma aha laakiin waxaa khuburo ciidan oo loo saaray ay hadda ku guda jiraan in ay daraasad ku soo sameeyaan waxa sababay in ciidankii isku nafta ahaa ee dalka wada difaacayay gudahooga dilal ka dhacaan waxaa kale oo la wadaa wacyi galin buuxda oo ciidanka gudihiisa ah oo loogu sheegayo qiimaha ciidanka iyo in ay iyagu isku naf kaliya yihiin iyo in askariga askari dilaa uu qaranka dilay oo ciqaabtiisu dil tahay waanay dhamaanaysaa insha alllah dibna u dhici mayso.”

Waxaa kale oo aanu waydiinay halkay hawshoodu marayso ciidankii Somaliland Suciidiga u diraysay iyo baasaboorka ay Sucuudiga ku tegayaan ka uu yahay,waxaanu ku jawaabay. “ Ciidankaa hawshiisu way socotaa meel wanaagsanna way maraysaa kollay dad la diryo oo intaa leeg hawshooduna way badnaanaysaa oo waxyaabo kala duwan ayay u baahan yihiin oo waxay marayaan baadhitaano caafimaad waxay u baahan yihiin baasabooro ay ku dhoofaan oo ay dalka ay tegayaan ku galaan oo loo soo fiiseeyo markaa hawshaasi imika gababo ayay ku dhaw dahay. Baasaboorka ay ku dhoofayaan waa Somaliland dawlad iyo dawlad ayuu xidhiidhkani dhex maray markaa dawladda Somalinad ciidanka ay Sucuudiga tababarka ugu diraysaa waxay ku dhoofayaan oo loo fiisaynayaa waa baasaboorka Somaliland horena waa loogu tegayay oo amba laba goor oo aan tegay baasaboorka Somaliland ayaan ku tegay.” Ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami oo u warramayay wargeyska Codka Shacabka.