Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Soomaaliya”“Somaliland Al-Shabaab Kama Jirto Waxaanan U Aragnaa Maamulka Muqdisho In Ay Ka Xun Yihiin Nabad Gelyada Iyo Dawladnimaadayada”

0

“Somaliland Al-Shabaab Kama Jirto Waxaanan U Aragnaa Maamulka Muqdisho In Ay Ka Xun Yihiin Nabad Gelyada Iyo Dawladnimaadayada”

 

“Eedaynta Muwaadiniinta Reer Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Cadaawada Ay Soomaaliya U Hayso Qarankan Iyo Dadkiisa”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland,ayaa jawaab cad ka bixisay hadal ka soo yeedhay Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in Nn u dhashay Dalka Somaliland oo ku sugan magaalada Boorame oo ay horena ugu eedaysay dawladda Xamar in uu ka mid yahay kooxda ka dalaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab ayay mar labaad ku eedeeyeen in uu dusha ka maamulayay weerarkii is qarxinta ahaa ee dhawaan lagu qaaday Hotel Jazeera Muqdisho oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof tiro kalena dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay iyo hadal muujinaya cadaawadda Maamulka Soomaaliya u qabaan dadka iyo dawladda Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdi Daahir Camuud(Cabdi dheere) waxaa kale oo uu intaa ku daray in Soomaaliya looga baahan yahay in ay amniga dadkooga iyo dalkooga ka shaqeeyaan oo ay xil iska saaraan iskana daayaan hadalada nacaybka iyo cadaawada ah ee ay Somaliland mar kasta kula kacayaan.

Wasiir ku-xigeenka Amnigu waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka tilifoonka ku siiyay wargeyska Codka Shacabka.

Ugu horrayn Wasirr ku-xigeenka oo aanu waydiinay waxa ay kala socdaan eedaynta ka soo yeedhay Soomaaliya ee ay ku sheegeen in weerarkii Jazeera Hotel Muqdiaho ka dhacay uu dusha ka hagayay muwaadin u dhashay Somaliland oo Boorame jooja,ayaa ku jawaabay. “horta marka ugu horraysa dalkani waa Somaliland mana aha gobol ka mid ah Soomaaliya,waxaanad la socotaa in Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab oo ay maalin walba dagaalo ay ku dhex maraan,laakiin Somaliland oo ah qaran ka madax bannaan Soomaaliya kama jirto wax la yidhaahdo Al-Shabaab mana soo gali karto cid Al-Shabaab ah oo Somaliland ku suganina ma jirto muwaadinkaa Boorame joogana horeba way u eedeeyeen waanu is caddeeyay ka dawlad ahaanna dalka ammaankiisa xil ayaa naga saaran waanan og nahay in muwaadinaasi aanu ahayn waxan ay ku sheegayaan horena isagaaba u caddeeyay oo warbaahinta la hadlay dawladdiisa Somaliland-na si fiican ugu xidhan markaa waxaan u arkaa oo kaliya eedaynta ay mmuwaadinkaa iyo Soaliland-ba ku eedaynayaan in ay joogto Al-Shabaab in ay tahay nacaybka iyo cadaawadda ay maamula Muqdisho u hayaan dadka iyo Dawladda Somaliland. Waxaanan leeyahay wuxuu xil idinka saaran yahay in aad dadkiina ammaankiisa sugtaan oo aad ka saartaan dhibaatada iyo dagaalada ay ku nolol iyo mustaqbalba seegeen Somaliland-na nabad gelyada iyo Dawladnimadeeda iyo qarannimadeeda xumaanta aad u haysaan iska daaya.”

Wasiir Cabdi Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Madaxda Soomaaliya waxay ka xun yihiin oo ay diidaan yihiin nabad gelyada Somaliland ay ku dhaqan tahay hadalada noocaa ahna waxay u leeyihiin oo kaliya u quudhi waa nabadda iyo dawladnimada ah laakiin waxaan u sheegaynaa Maamulka Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa dalkani waa Somaliland argagixiso,budhcad badeed iyo dhamaan kooxaha nabad diidka ah oo dhan Somaliland hore ayay uga adkaatay dawlad iyo shicb wada jira ayuu dalkani leeyahay oo imikana u diyaar ah difaaca qarannimada iyo adkaynta nabad gelyda,caalamkuna waa ka marag oo wuu ogyahay in Somaliland aanay ka jirin isla mar kaanay aanu joogin hal qof oo argagixiso ah, markaa Xasan sheekhoow dalkaaga ayaa lagu ogyahay Al-Shabaab iyo argagixisaba Xamar ayaana kaaga baahan in aad ammaankeega sugto waxba Somaliland eed aan jirin marba ha u raadin.

Wasiir ku-xigeenka oo aanu waydiinay wuxuu kaaga jawaabayo ninka qaraxa Jazeera Hotel fuliyay oo la sheegay in uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland,ayaa ku jawaabay. taasi waa wax kale oo ka duwan eedeynta ay Somaliland in ay Al-Shabaab joogto ku sheegayaan ninka qaraxa fuliyay waxaa lagu sheegay in uu ku dhashay Tiripoli isla markaana uu degenaa dalka Jarmalka oo uu ku barbaaray muwaadina ka ahaa nin Somaliland yimi ama ku noolaa maaha nin halkaa uu ku noolaa fikirka loogu geeyay oo lagu qaadsiiyay laguna galiyay qaadashada falkaa qaldan weeye Somaliland-na eedi ugama imanayso nin jarmal ka yimi oo aan intuu jirayba arag Somaliland asal ahaan ayuu ka soo jeedaa oo qaar Yurub u dhashay oo ka soo jeeda ayaa fikirkaa qaldan la qaadsiiyaa markaa hadii xataa sida loo sheegay uu asal ahaan Somaliland ka soo jeeday nin fikirka uu xambaarsanaa Somaliland ka turjumayo maaha waxaana kuuba caddaynaysa taa halka uu ku noolaa ee uu ka yimi waa jarmal halka uu tegayna waa Soomaaliya markaa wax Somaliland u yaalla maaha Somaliland waxay masuul ka tahay oo ay xukuntaa dalkeeda iyo dadkeega oo beri ka ah Al-Shabaab iyo argagixisaba.”