Siciid Sulub Oo Si Adag U Dhaliilay Siyaasada Xukuumada Ee Mandaqada

0

-Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, ayaa si adag u dhaliilay safarka madaxweyne Siilaanyo uu ugu baxay goballada bariga Somaliland, waxaana uu sheegay in safarkaasi aanu munaasib ahayn wakhti xaadirkan isaga oo  carabka ku dhuftay in wakhti xaadirkan ay ahayd in madaxweyne Siilaanyo uu ka shaqeeyo dardar-galinta siyaasadda arrimaha dibadda, waxaana uu tilmaamay in ay dayaceen siddii ay fursad uga raadsan lahaayeen madaxweynaha dalka Mareykanka ee hada ku sugan Itoobiya iyo sida oo kale madaxda dalalka Afrika oo shir sannadeedkoodii ka qabsoomay xarunta Midawga Afrika ee magaalada Adis-ababa.

 

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in uu iska indho-tiraayey xaaladda dhabta ah ee ka taagan wadanka isla mar ahaantaana uu xaqiraayey fikirkii xisbiyadda mucaaradka.

“Marka hore madaxweynahu isaga ayaa dalka xukuma oo ay tahayna in uu xaaladda wadankiisa ogaado, laakiin safarkan uu toddobaadkan baxay waxaan u arkaa in aanu ahayn mid munaasib ku ah oo arrimo kale ayaa dalka ka jiray maanta iyada oo aad moodayso in uu xaqiraayey fikirka mucaaradka oo waxii hada taaganba aanu dan ka lahayn, arrinta kale waxa weeye gobalkan aynu hada ku nool nahay, waxaa ka socda isbedelo iyo shirar caalami ah oo madaxweynahii dawlada aduunyada ugu awooda badnayd, ayaa booqasho ku joogay muddo shan cisho ah, waxaa uu yimi Kiiniya, waxaa uu hadana jooga Adis-ababa oo halkaas uu shirkii wadamada midawga Afrika uu ka khudbadaynayaa, innagu waxaa aynu ahayn dal go’doon ah oo aduunka ictiraaf uga baahan meelihii albaabada innoo ahaa ee bariga Afrika ay innoogu badnayd Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya iyo siyaasaddii aduunka oo indhaheedii saaran yahay ama ka muuqata Nayroobi iyo Adis-ababa in aynu ka maqnaano oo aynaan ku dhex jirin.”.Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.

Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta xukuumaddii hore Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo sida oo kalena hada ka tirsan xisbiga mucaaradka ah Waddani, ayaa xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey in aanay doonayn in ay wadanka u raadiso Ictiraaf ay kaga mid noqdaan beesha Caalamka isaga oo sida oo kalena ku tilmaamay in lexlo-jeclo la’aan aan wadanka laga qabin.

“Waa aqoon xumo ama lexlo jeclo la’aan aan dalkan laga qabin oo aan loo wadin in uu ictiraaf helo sababta oo ah mar walba oo ay Midawga Afrika shirayaanba in aynu innagu tagno ayey ahayd oo xig-xigasho samayeeyaan  wasiirka arrimaha dibadda iyo ciddii kale ee raaci kartaaba ay tagaan, dalalkii Afrika oo dhan madaxweyne-yaashoodii ayaa meesha ku shiraaya Adis-ababa isla markaana uu madaxweynahii Mareykanku u khudbadaynaayey, marka may ahayn in madaxweynahu safarkan uu saacadahan ama ayaamahan tago oo waxay ahayd in uu dib u dhigto oo uu Adis-ababa uu tago, haddii aanu Adis-ababa tagi karayna uu wasiirkiisa khaarajiga iyo ciddii kaleba uu diro ka horba intii aanu imanin Obama ee toddobaad ka hor oo dawlada Itoobiya laga qal-qaalsado siddii loo arki lahaa oo wax uun la sameeyo, dawladaha kale ee meesha isagu yimi in wax uun lagala hadlo oo laga shaqaysto, laakiin may ahayn in Madaxweynahii iyo wasiirkii arrimaha dibadduba ay u baxaan socod u eeg uun jahawareerin siyaasadda Somaliland-na ay turjumaan khalad ah ka bixiyaan dalka gudaha jira oo intay Gambadha iyo dhulkan ay soo maraan lagu madadaaliyo, waa la tegi kari lahaa, waana waajib in ay tagaan, laakiin wakhtigii la doortay in ay bari tagaan ayaa ka fiicnayd se ay maanta siyaasadda arrimaha dibadda culayska saaraan siiba ta Nayroobi iyo ka socota Adis-ababa”.Ayuu yidhi Md.Siciid Sulub Maxamed.