“Siyaasada Aan Madaxa Iyo Mijaha Lahayn Ee Taala Muqdisho Hadii Aan Laga Tashan Waayo Haloo Diyaar Garoobe…..”Pro Cabdi Ismaaciil Samatar.

0

Washinton Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka hadlay xaalada siyaasada Soomaaliya iyo khatarta laga filan karo fashilka lasoo gudboonaaday Dawlada Federaalka oo sheegtay inaan dalka Doorasho ka dhici karin ayaa ugu baaqay ummada  Soomaaliyeed inay ka wadatashato sidii looga hortagi lahaa.
“Siyaasada aan Madax iyo mijaha lahayn oo waxa wada ay tahay IIMAAN-DARO,hadii aan laga tashan waayo waxa ka socda Muqdisho waa inay diyaar u noqdaan in madaxa laga saaro nijaas iyo edeb xumo”Ayuu Yidhi Cabdi Ismaaciil Samatar.
Waxaa isa soo taraya cambaareynta loo jeedinayo hogaanka xukuumada Federaalka Soomaaliya oo todobaadkan ku dhawaaqday inaan wax doorasho ah dalka ka dhici karin 2016.
arrintaasi oo ay hore looga sii digay ayaa ahayd qodobadii loo xilsaaray dawlada Somaliya inay qabato inta ay xilka heyso, iyadoo ay sidoo kale Beesha Caalamka qaadacday in wax wakhti korodhsi ah sameeyaan Goleyaasha Dawlada Federaalka Soomaaliya oo xiligan u muuqda kuwo ay hogaaminteeda la wareegeen xisbiga Qarsoon ee Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.