Maraykanka Oo Baadhaya Dilka Libaax Caan Ka Ahaa Zimbabwe –

0

Saraakiisha Mareykanka waxa ay bilaabeen baadhitaan ay ku sameynayaan dilka Libaax caan ka ahaa dalka Zimbabwe iyo guud ahaa qaaradda Afrika, balse waxa ay sheegayaan in aanay awood u yeelan heer ay toos ugu lug yeeshaan.

Laanta kalluumeysiga iyo duurjoogta ee Mareykanka, (FWS) ayaa sheegtay “iney aad uga walaacsan tahay” dilka “naxdinta” leh ee libaaxa Cecil.

font-family: Helmet, Freesans, Helvetica, Arial, sans-serif; font-stretch: inherit; font-size: 1.6rem; line- 1.375; margin: 18px 0px 0px; padding: 0px; vertical-align: baseline; text-align: justify;”> Agaasimaha laantaasi ayaa sheegay inay xaqiiqda dhabta ah ka raadin doonaan meesha ay ka jirto, laakiin dadaalladii ay ku doonayeen inay ku arkaan Walter Palmer ayaa fashilmay.Mr Palmer ayaa sheegay inuu u maleynaayay in ugaarsiga uu sharci yahay, laakiin laba qof oo u dhalatay Zimbabwe ayaa loo xiray dilka libaaxaasi.

Xarun caafimaad ii ilkaha lagu daaweeyo oo uu lahaa ninkan ayaa xidhan tan iyo markii magaciisa la shaaciyay, oo uu noqday ninka dalxiisaha ahaa ee dilay libaaxii ugu caansanaa dalka Zimbabwe.

Olole cadaalad lagu dalbanayo ayaa baraha bu8lshada iyo gudaha Mareykanka ka socda

Dibad baxayaal ayaa isugu tagay dhismaha uu ka cararay ninkaasi, maalintii arbacada, waxayna siteen boodhadh ay ku qornaayeen “Cadaaladda Cecil”, “Fuleynimada ugaadhsadaha”, iyo “hala xukumo ugaadhsatada”.

Kahmiistiina, aqalka cad ee Mareykanka war ka soo baxay ayaa lagu sheegay inay dib u eegayaan kiis ama dalab lagu raadinaayo in ninkaasi Zimbabwe loo gacangeliyo, kaas oo ay saxiixeen in ka badan 100,000 (Boqol kun) oo qof.

Laakiin afhayeenka aqalka Cad, Josh Earnest ayaa sheegay in waaxda cadaaladda ee Mareykanka ay u taallo inay ka jawaabaan codsiga wareejinta ah.

Kol sii horeysay laanta duurjoogta Mareykanka waxa ay tiri “Waxaan aruurineynaa cadeymaha arrintan, waxaana Zimbabwe ka caawindoonnaa noockastoo codsi ah.

Dhaqtarka loohaysto dilka Libaaxan ayaa la la’yahay

“xaaladdan marka la taagan yahay, dadaallo badan oo lagula xiriiray Dr Walter way fashilmeen”, ayey tiri hay’addan oo intaa ku dartay in Mr Palmer ama wakiilkiisa ay sidegdeg ah xiriir u soo sameeyaan.

Lama oga meesha uu Mr Palmer uu ku dambeeyay, laakiin waxaa loo maleynayaan in dilka Cecil ee horraantii bishan, kaddib uu ku noqday Mareykanka.

Warqad uu u qoray dadkii uu daaweynaayay, waxa uu ninkan sheegay inuu baaritaanka ka caawindoono maamullada Zimbabwe iyo Mareykanka.

Waxa uu ka cudur daartay dhibaatada uu geystay, wuxuuna yiri “Waxaan wararka caalamka uga mid noqday sababo aan waxba ahayn oo aan xirfadeyda ahayn ama sida aan idiin daneynaayo”.

Libaaxan ayaa lagu dilay meel kabaxsan keyntii uu ku noolaa

Dalxiisahan Mareykanka u dhashay ayaa la aamisan yahay inuu bixiyay qiyaastii $50,000 oo dollar si uu uga ugaarto Zimbabwe.

Maxkamad ku taalla Zimbabwe ayaa ninkii caawinaayay Mr Palmer oo lagu magacaabo Theo Bronkhots dacwad ku soo oogtay. Haddii lagu cadeeyo eedaha waxa uu mutaysanayaa 15 sano oo xabsi ah.

Dilka Cecil dad badan ayaa ka carooday

Laanta dalxiiska ee dalkaasi ayaa sidoo kale waxa ay ku doodeysaa qaabka Libaaxa Cecil looga saaray Keynta ay tahay mid anshaxdaro ah oona dembi ah.

Qof kale oo laga shakisan yahay oo lagu magacaabo, Honest Ndlovu, ayaa la xiray, laakiin weli dacawad laguma oogin.

Cecil, oo ahaa libaaxa ay ugu jecel yihiin dalxiisayaasha, kaas oo ku noolaa keynta ugu weyn ee duurjoogta dalka Zimbabwe ayaa dhaqdhaqaaqiisa lagala socday jaamacadda oxford ee dalka Britain.

Waxaana la aaminsan yahay in kowdii bishan july uu dhintay, laakiin dhowr maalmood kaddib ayaa la ogaaday. Madaxa ayaana laga gooyay, maqaarkana waa lagala baxay.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=161005#sthash.iXdpsnUc.dpuf