Xildhibaan Qabile Oo Dhaliilay Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobalada Bari

0

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii uu dhawaan Madaxweynuhu kaga dareen caliyey isla markaana uu kaga hadlay muranka Siyaasadeed ee ka dhex aloosan Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ee salka ku haya muddo xileedka Xukuumadda iyo muddo kordhinteeda.

XIldhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo Wargeyska Geeska Afrika u wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale amaan balaadhan u soo jeediyey Garsoorka Somaliland, waxaanu ku amaanay Dacwadii ay ka soo saareen murankii u dhexeeyey Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda, waxaanu tilmaamay inay go’aan sharciya oo lagu wada qancay ay ka soo saareen, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Sawirkii ay dhigtay iyo tabaabushii ka

dhacay Xukuumadda, Subaxnimadii iyo Habeenimadii Maalintii dacwada waxa uu ahaa mid saasaan colaadeed galiyey dalka, hasa yeeshee waxna waa cadaadis, waxna waa qaynuuni, Axsaabta kalmada ah “haddii uu  wakhtigu dhaco waxaas ayaanu samaynaynaa” cadaadis baa la yidhaahda, haddii ay wax dhacaan inay Xukuumaddu sugtaa bay ahayd, waayo haddii aad Booliska ku tidhaahdi Nin ayaa I dilaye ii soo qabo, horta ha dhacdo ayey yidhaahdaan. Subixiina sii la wada ogaa Huteelkii la tilmaamay waxa ku waabaristay Shabaglayaal iyo  Tikniko,balse iyada oo Axsaabtu dhawrayso Sharciga, oo aanay iyagu Nabadgeliyo daro abuuraynin, waxa ay ka baqaysay Xukuumaddu socod ayaanu kaga  jawaabanay,  siidaasna Maxkamadii waanu ku tagnay, oo haddii ay Madasha tahay iyo haddii ay Axsaabta tahayba, iyo haddii Xubnihii Dawladda ee Dacwada ka dhanka ah ahayd arin lagu wada qanco ayaa Maxkamada lagaga soo dareeray, Somaliland Mucaarad iyo Muxaafiidba waxa simaa  waa qaynuunka iyo sharciga,  Guddoomiyaha Maxkamada iyo bahdiisa Garsoorku waxa ay iftiimiyeen in Muranka taagan ee dadku ku jahawareeray tusaale cad ayey u ahayd arinkii ay diideen inuu ahaa qanuun la garab maraayo, waanu ku kalsoonayn Garsoorka, iyana inay nala qaateen waan ku hambaliyeynayaa, wax kastaabana waxa ay ku dhammaadan Sharciga agtiisa, 24-sanno ee ay Somaliland jirtay Garsoorka uu ka sii daraayey waxa ay bahda Garsoorku rajo ragalisay inay u garniqi karaan Xukuumad, Golayaal , Axsaab iyo cid walba oo wax tirsataa inay weel u leeyihiin, Muxaafid iyo Mucaaradba dalku qaynuun buu leeyahay,haddii aanu nahay Axsaabtiina qaynuunkaas ayaanu ku doodaynay, ”.Xldhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa mar uu jawaab ka bixinaayey hadalkii Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynaha waxa aan leeyahay hanjabaadu ma wanaagsana, sida aad sheegtayna waa inoo balan ee cidda Sharciga jabisa ayaa qoomamayn doontaa, ha noqoto Xukuumadda ama ha noqoto Axsaabta, haddii qaynuunka dalka lagu dhaqayo anagu raali baanu nahay, afar qodob ayey soo saartay Maxkamada Dastuuriga ahi, anaga iyo cidii dacwada ka dhanka ahaydba oo kaliya kumay saabsanayn, Sannadkii 2001-dii ayey Somaliland ka baxday habkii Beelaha, Odayaal meel laga kiciyo, oo waxa aanu taageernay yidhaahda iyo Beel meel ka hadasha, Maxkamadu qodob bay ka soo saartay, qodobka labaad ee ay ka soo saartay waxa uu ahaa dhinacyada isku haya Muranka Doorashada oo ah Xukuumadda iyo Labada Xisbi, inay murankaas deg deg u soo af jaraan, go’aankaasina waa go’aan Dastuuriya, Madaxweynahana dhawr cisho ayaa u hadhsanayd intii aanu murankani sii balaadhan, waxa ay ahayd in isagu uu gogosha dhigo, oo uu yidhaahdo haddii aynu is af-garan weyno Maxkamada aynu u gudbino, balse Maalintii uu baxay, Maalintii ku xigtay oo 12-habeenimo uu kaga buuxday Shantii Sanno ee la doortay, ayaa iyada oo aan murankii qaraar laga gaadhin, inuu baxo Madaxweynaha umay banaanayn, waayo muran Siyaasadeed ayaa ka taagnaa dalka uu Madaxweynaha ka ahaa,  Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa marka xaaladan oo kale ay dalka ku timaado Miiska wada hadalka ayaa la fadhiisan jiray, markaas ayaa la soo afjari jiray wixii khilaafa ee jira,Madaxweynuhu  Warqad buu akhriyey, cidi warqadaas u qortay,  Madaxweynaha iyo cidii warqada u qorayba in aanay fahmin baan u malaynayaa inay iska dhego mariyaan go’aan Maxkamada Dastuuriga may ahayn, deg deg u soo afjara baa la yidhi murankaas, laakiin meesha may oolin hanjabaad iyo aflagaado, Madaxweynuhu inuu Bulshada reer Somaliland ka xaal siiyo hadaladaas hanjabaada ah ayaa meesha taala, ayaana  dishay oo waan u tacsiyadaynayaa,Maantana Labada Xisbi xuquuqdii loo fasaxay wey kak shiraayaan, Somaliland wey u maqan yihiin ee kuma maqna, waxa aan qaynuunka ku salaysanayna ku kici mayno”.