Shirkii Wadatashiga Xisbiyada Mucaaridka Oo Maanta Lagu Soo Gabo Gabeeyey Hargeysa Iyo Qodobada Ka Soo

0

Hargeysa(BGN):- Waxaa Maanta Si Rasami Ah Hotel Dalxiis Ee Maagalada Hargeysa Ku Soo Gabo Gaboowey Jir Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Uga Socdey Maalmihii U Danbeeyey .
Shirkan   Qodabadii Ka Soo Baxay Waxaa Ka Mid Ahaa

1.      in uu madaxweyne Siilaanyo Fuliyo Heshiiskii ay wada galeen Xisbiyadda Qaranka Iyo Xukuumadda.

2.      In haddii uu Madaxweynuhu fulin waayo Heshiiskaas ay muuqato in aanay Diyaar u ahayn inay Dalka Doorashooyin ka qabsoomaan.

3.       In aanay Labadda Xisbi Mucaarad aqbli doonin inay Doorashaddu dhacdo wakhti aan ahayn bisha Deceber ee Sanadka 2016-ka.

4.       In aanu Go’aanka Golaha Guurtidu waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Dalka u yaala.

5.       Waxaanu Diyaar u nahay in la fuliyo Amarkii Maxkamadda sare

ee ahaa in si deg deg ah loo soo afjaro Khilaafka Siyaasaddeed ee Dalka ka taagan.