Madaxwaynahii Hore Ee Puntland Oo Hargaysa Saaka Ka Duulay

0

Madaxwaynahii hore ee maamul goboleedka puntland cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta ka duulay madaarka caasimada hargaysa siday hadhwanaagnews u xaqiijiyeen masuuliyiin madaarka ka tirsani

Faroole ayaa in mudo Ah ku sugnaa Hargaysa isaga oo u yimid Sida uu sheegay Qoyskiisa oo ka soo jeeda somaliland oo wiil uu dhalay Xabad kaga qaraxday u geeriyootay.

Madaxwaynaha ayaa intii uu hargaysa jooga waxa uu kulamo layeeshay madaxwaynaha somaliland Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo madaxwayne ku xigeenka somaliland.

Mudane saylaci ayaa qado sharaf ku maamuusay madaxwaynaha isaga oo intaas ka dibna maanta ka duulay magaalada hargaysa.

inta uu ku sugnaa hargaysa ayaa waxa uu cadeeyay inuu markii uu imanayay Xukuumada ku soo



war galiyay inuu dalka imanayo ogolaanshana ka haystay xukuumada.