Waxa Nasiib Darro Ah In Go’aankii Madaxweyne ku-xigeenku Shaqayn Waayo”Axmed Muumin Seed

0

Murshaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa ka hadlay khilaafka soo noqnoqday ee ka taagan jaamacadda Hargeysa, waxaanu xukuumadda u soo jeediyay in si dhakhso ah u dhamayso khilaafka ragaadiyay Jaamacadda Hargeysa, Isla markaana wuxuu sheegay in aanu shaqayn go’aanka Madaxweyne ku-xigeenku oo ay khilaafeen wasiir tiro yar oo awood sheeganaya.

Axmed Muumin wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kugu warayay magaaladda Hargeysa, waxaanu nasiibdarro ku tilmaamay wuxuu madaxweyne ku xigeenku iskaga dhajinayo kursiga uu fadhiyo“Waxaan halkan isugu keen yeedhay in aan halkan kalmad kooban ka yidhaahdo runtii, dhacdooyinka dhibaatadda ah ee ku soo noqnoqday jaamacadii ugu waynayd Somaliland oo runtii aad moodo khilaafkeedu bilaabmay maalintii kulmiye dalka ku guulaystay ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay dhammaadka shantii sannadood ee xukuumada Kulmiye. Shantaa sannadood ee kulmiye taladda dalka hayay jaamacadda khilaaf baa ku jiray, waxay shicibka reer Somaliland runtii ka wadda dhegsan yihiin inuu Madaxweyne ku xigeenku arrinta dhabarka ku qaatay oo uu rabay inuu xaliyo khilaafkaa jaamacadda.”Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “ Runtii waxa nasiib darro ah in go’aankii Madaxweyne ku-xigeenku shaqayn waayay, wasiiro tiro yar oo awood badan sheeganaya inay khilaafeen go’aankii Madaxweyne Ku-xigeenka, taasina ay tahay nasiib-darro haysata xukuumadda maanta jirta, dabadeedna arrintii sidii u soo noqnoqtay, khilaafkii jaamacadu wuu joogsan waayay, go’aankii madaxweyne ku-xigeenkuna wuu shaqayn waayay, wax lala yaabo waxa ah dalka waxa la doortay waa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, talo kasta oo Madaxweyne ku-xigeenku cid la saxeexdo go’aankiisu ma soconayo waa nasiibdarro Madaxweyne ku-xigeenka gaar u haysata. Waayo go’aankii uu saddexda xisbi qaran la qaatay wuu socon waayay, go’aankii khilaafka jaamacadu wuu socon waayay, anigu ma garanayo xilka Madaxweyne ku-xigeenku ku sii jeclaysanayo kursiga uu ku fadhiyo maadaama oo ay go’aamadiisu socon la’a yihiin anigu taa ma garanayo. “

 

 

Sidoo kale, Murashaxa madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin, wuxuu baaq u diray dhalinyarradda jaamacadda Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaan baaq yar oo kooban aan halkan uga dirayaa ardayda jaamacadda Hargeysa, waxaan leeyahay waa in aad dhowrtaan karaamadiin iyo sharaftiina inaad tihiin jiilkii iyo aqoon yahankii dalkan u soo baxayay ee dalka loo carbinayay ayaad tihiin, xukuumaddan waqtigeedii wuu dhammaaday, maadaama oo uu xukuumadda waqtigeedii dhammaaday haraati iyo dhibaato badan ayay yeelanaysaa dhibaatadda badan ee ay yeelanayso waa in aad gooni uga joogsataan.”Ayuu yidhi Axmed