berberatoday.com Muhaajiriin Doonayay Inay Sharci Darro Ku Galaan Dalka Britian Oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Booliska Faransiiska ayaa helay muhaajiriin tiradoodu gaadheyso laba kun oo qof, kuwaasi oo qaarkood ay isku dayayeen in ay isku qariyaan tareenno u socday Britain, halka kuwo kala ay doonayeen inay ka gudbaan gidaar difaaca halka laga galo khadadka tareennada.

britian

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkada Eurotunnel, tiradan ayaa ah tii ugu badneyd ee muhaajiriin ay bil gudaheed ku sameeyaan isku day noocaan ah.

 

Shirkada ayaa sheegtay in ay howlagalisay dhammaan shaqaalaheedda oo dhan laba boqol oo qof iyo weliba booliska deegaanka, si ay xaaladda wax uga qabtaan. Buuqa halkaasi ka dhashay ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in ay Faransiiska kala shaqeynayaan sidii dhibaatada wax looga qaban lahaa.

Iska horimaad maalin waliba dhex mara muhaajiriinta ku nool magaalada Calais iyo booliska Faransiiska ayaa sare u qaaday cadaadiska siyaasadeed ee haysta dowladda UK, iyada oo darawalada tareennada ay saacado ku qaadato in ay shaqadooda bilaabaan.

In ka badan saddex kun oo qof oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Sudan, Eritrea iyo Afghanisyan, ayaa ku xareysan meel u dhaw dekadda Calais, waxaana dadkaasi ay isku dayaan in ay gaadhaan Britain.

Talaabooyin cusub oo dhanka ammaanka ah ayaa dhaliyay in muhaajiriinta ay khatar ba’an u badheedhaan, todobaadyadii lasoo dhaafayna waxaa halkaasi ku dhintay dhowr ka mid ah muhaajiriinta.