Muxuu Wasiir Cabdi Aw Daahir Ka Yidhi Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Asxaabta Qaranka?

0

Hargeysa (BGN) –  Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa ka hadlay sida ay ula muuqato Qodobada Ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ka soo saareen shirarkii indhawaale uga socday Magaaladda Hargeysa.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bogga uu  ku leeyahay facebookga ayaa waxa uu ku yidhi

Goaanka Axsaabtu Wuxuu Ku Lidi Yahay Goaankii Maxkamadda Dastuuriga Waayo Hayadaha Caalamigu Maaha Gole Sharci Ee Waa Caawiyayaal

Waxaan Akhriyay Go’aamada Ka Soo Baxay Shirkii Xisbiyada . Marka Laga Tago Qodobada Tororogta U Badan Iyo Qodobka Afraad Oo Ah Mid Ay Axsaabtu Ku Xadgubtay Qodob Dustuuri Ah . Waxaanu Isla Oggolayn Sida

 



Heshiiska Ku Qoran :
1. In La Ixtiraamo Go’aankii Guurtida
2. In Axsaabtu Ka Heshiiyeen Waqtiga Doorashada

Haddaba Madaxweynuhu Wuxuu Ku Dhawaaqay In Waxaynu Ku Heshiinay Laga Ansixiyo Golaha Baarlamaanka (Guurtida),

Halka Ay Axsaabtu Qodobka Shirkooda Maanta U Nuxurka Ahaa Waa Arrinkii Aan Ku Heshiinay Aan Dawlada Kale U Bandhigno. Maaha Mid Suuragal Ah, Waxtar Ah, Sharciga Waafaqsan” ayuu yidhi