Ma Dhambaa In Ragii Halganka Lasoo galay Xisbiga Kulmiye Xiligii Tar tarkii Kursiga Madaxtooyada in Xiligan Ku Biirayaan Xisbiga Wadani,

0

Bilihii u danbeeyay Ayaa Magaalada Berbera iyo Guud ahaanba Degmooyinka Gobolka saaxil ayaa Xisbiga wadani waxa uu ka waday Abaabul xoog Leh sidii uu u Kasban Lahaa quluubta Shacabka Reer saaxil Mabda,iyan Sidii uu Taageero balaadhan uga Heli Lahaa,
Olalahan ayaa Xisbiga Wadani Waxa Uu Xooga Saaray Rag Miisaan

Culus Ku Leh Bulshada gobolka saaxil, khaasatna Ragii Hore Uga tirsanaan Jiray Xisbiga Kulmiye iyo Qaar Udub ahaaba,
Hadaba wiigagii u danbeeyay ayaa Ilo Xoga Gaali sheegayaan in Raga uu kamidka yahay Siyaaasi Cabdi Jaamac aadan iyo Afar xubnood oo Kale oo Xilal sare ka qabtay Gobolka Saaxil Xisbiga Kulmiye in ay dhawaan Ku Biiri Doonaaan Xisbiga wadani. warkan oo aanu wax ka waydiinay CABDI JAAMAC AADAN Waa uu ka gaabsaday in uu jawaaab waafi ah ka Bixiyo Waxaanu yidhi, Xiligan Diyaar Uma Ahi in aan ka Jawaabo su,aashaa, Dabcana Sida Xogtu Sheegayso waxa Loo Xushay Cabdi in uu Kor u qaado Olalaha xisbiga wadni e Degmada sheekh iyo Dhulka Ku xeeran,Raga Gacanta Dheer Loogu gacan Haadinayo waxa ka Mida mayorkii Hore e Berbera CABDALE MAXAMED CARAB oo Miisaan Culius Ku Leh Gobolka Saaxil
Hadaba waxa Iswaydiin Leh Maxaa Ku kalifaya in Ragii Olalaha xoogan ka galay gobolka Saaxil Xiligii xisbiga Kulmiye Olalaha qadhaadh ugu jiray Kursiga madaxtooyada ay Maanta cadhuuftooda Dib Uga Liqaan?
Sida La Ogyahay Gudoomiyaha xisbiga wadani e Gobolka saaxil cali axmed kooshin waxa Uu kamid ahaa Ragii Ugu Olalaha cadaa e xisbiga Kulmiye e Gobolka saaxil, Sidoo Kalena Gudoomiyihii xisbiga e Xiligii Kaambaynka Kulmiye ugu jiray Kursiga madaxtooyada shiine cabdi barkhadle Maanta waa bilaa camal halkii uu Xil ka helayana Wuu tagayaa ,
Isku soo duuboo Xukuumada ka dhisan Xisbiga kaulmiye Waxa la haboon in ay ka gaashaamato Fadhataysiga lagu hayo haldoorkii halaganka lasoo galay,
warriye yassin jama ali