Wararkii U Danbeeyay Tahriibayaal Tiro Badan Oo Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Talyaaniga Iyo Tahriibayaal Meydadkooda Badda Laga Soo

0

Wakaaladaha Wararka-(BGN)- Ciidamada Illaalada Xeebaha ee dalka Talyaaniga, ayaa daboolka ka qaaday in labadii maalmood ee u danbeeyay ay badda ka soo samata-bixiyeen muhaajiriin tahriibayaal ah oo ay tiradoodu dhan tahay Kun Iyo Siddeed Boqol, oo qof, kuwaas oo ka kala yimi dalalka Afrika ee Sahaaraha ka hoodeeya iyo Syria, lana socday Shan doonyood.

Gurmadkan lagu soo badbaadinayo tahriibayaasha ayaa qeyb ka ah hawlgalka Midowga Yurub, taas oo keentay in maraakiibta illaalada xeebaha Talyaaniga iyo Midowga Yurub ay kor u qaadaan gurnadka loo samaynayo dadka muhaajiriinta ah sida tahriibta ah u soo raacaya doonyaha khatarta badan uga soo talaabaya badda Mediterranean-ka, iyaga oo isku dayaya in ay u soo gudbaan dalka Talyaaniga iyo Yurubta kaleba.

<p< span=””>

align=”JUSTIFY”> Sidoo kale Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ireland, oo hawlahan gurmadka qeyb ka ahaa ayaa lagu soo waramayaa in uu badda ka soo badbaadiyay doon ay saarnaayeen 522 qof oo tahriibayaal ahaa, halka ay badda ka soo saareen meydadka 13 qof oo tahriibayaal ah.

Sannadkan aynu ku jirno waxa badda ku naf waayay dad tahriibayaal ah oo ay tiradoodu kor u dhaaftay Kun iyo Sagaal Boqol Tahriibe.

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=160940#sthash.1vzmC34J.dpuf