Xisbiyada Macaaradku Ee Wadani Iyo Ucid Markay Doodayaan Ha,Iskadayaan Hadalada Deelqaafka Ah.By Maxamed Jeex –

0

Maalin dhaweyd waxaan arkaayay anoo daawanaaya tv hctv waxaan aad u la yaabay gud: ku xigeenka xisbiga ucid Abdirashiid xasan mataan oo ku hadlaayay hadalo uu ku duraayo madaxda qaranka oo uu leeyahay waxba kama go,aan qaar kamid ah.

Xasan Mataan anigoo ku ixtiraamaaya waxaan ku odhanlahaa abti iskadaa deelqaafka waan garanay hadaladaada aad ku hadlayso ee aad tv hortiisa aad ku caytamayso ee aad leedahay mataliyaan madaxda qaranka ee maanta joogta talada.

Haddii aanu talin madaxweynuhu iyo ku xigeenkiisa ayaa taliya ma adiga iyo guddoomiyahaaga ucid ayaa ka taliya dalka somaliland.

Markaad hadlayso waxaad hadi iyo jeer ku soo celcelisaa



mdw hore daahir riyaale kaahin baa wax qabtay arintaasi waxay cadayn u tahay inaad qabyaalad hadlayso oo aad taageersantahay ina riyaale oo maanta dhamaan umada reer sheekh samaroon ay ka marooradilaacaan dhibaatadii uu ugaystay.

Xasan mataan ma waxaad dib u xasuusinaysaa beelweynta samaroon dhibtii ina riyaale ugaystay oo aad ku soo celcelinaysaa markastoo aad tv ka hadasho waxaad tidhaahdaa waxbuu qabtay daahir riyaale abti waxaan ku odhanlahaa ayaan lagula yaabin ee hankaagu haka weynaado intaas hana amaanin nin umadu necebtahay oo ay ka xanuunsanayaan markay maqlaan.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.