Saddexdii Dhadhaaree, Dherigeenu Saaraa ,Isu Dheelitiridii` –

0

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM>
S.C.W.R.W.B.

Salaantaas islaamka kadib waa tii u khaaska ahayd hadhwanaagnews iyo akhristayaasheeda.

Maanta waxaan Somaliland ku soo hambalyaynayaa, in saddexdii dhadhaar mid dherigii hayo,

Halka labadii kale  weli dhinacoodi uu dhulka yaal. (waa GARSOORKEE).

 

 

1-SADDEXDII DHADHAAREE,

DHERIGEENU SAARAA.

ISU DHEELITIRIDII.

 

2-DHAWAAQII LA MAQALYOO,

DHALIISHII MIDBAA XALAY,

DHAB U FIIRSADOO HELAY.

 

3-DHAQAN GALI DISTUURKII,

LAGU TUURAY DHOOBADA,

DHIIDHIGIINA LAGA MIDH.

 

4-DHAAXAYNU SUGAYNEE,

DHAQANKEENU WAA KAA,

KU DHIIRADAY GARSOORKII.

 

5-DHAWAAQIINA LAGA MAQAL,

DHAMAANTEED ADUUNKEE,

KU DHAMMEEYA NABADUUN.

 

6-DHAYGAGA IYO YAAB BAY,

DHAWRAA TAQAANAAN,

DHABANADII CASAADEEN.

 

7-DHAWDHAWDUBA CADUUR,
WELI KAMA DHAADHACASOO,

DHAYAL

MOOD GO’AANKII. 

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160549#sthash.ECB8lSNL.dpuf