Hanbalyo, Hanbalyo, Hanbalyo Xaqa Guuleystay

0

ASC, ugu horeyn waxaan hanbalyeynayaa go’aanka taariikhiga ah ee gudoonka maxkamada sare
ay ka soo saartay muranka ka dhex alooson xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada iyo inay xisbiyada
u soo celisay xaquuqdoodii distooriga ahayd ee sida sharciga geesmarsan ee awood sheegashada ah
xukuumadu isaga hortaagtay inay shirar qabsan karaan.

Xisbiyada WADDANI IYO UCID waxaan ugu hanbalyeynayaa dedaalka, geesinimada iyo iskaashiga ay muujiyeen.
Waxaan kula talin lahaa maadaama ay  xukuumadu ka warwareegtay heshiiskiiay la gashay xisbiyada, in xisbiyada
mucaaradku ku adkeystaan mudada gudida doorashu hore u sheegtay inay ku qaban karaan doorashada.Haddii
daruuri noqoto in mudo lagu darona aanay ka badnaan hal bil. Sabab mudadaas wax ka

 


dheer loo aqbalo ma arko.

Go,aanka maxkamadu waa guul rajo gelisay bulsho weynta reer Somaliland ee cadaalada jecel, waana
go,aamo lagu wada farxay, sida kalsoonida leh ee gudoonka maxkamada sare arinta u maareeyey.

Bulshada xaqa iyo cadaalada jecel ee reer Somaliland waxaa la gudboon inay marwalba ilaashadaan sharciga
Dalka, garab iyo gaashaana u noqdaan cida u hiilinaysa cadaalada iyo distoorka dalka, oo aanay raacin kuwa
ku tumanaaya ama cabudhinaaya sharciga. Waxaa lagu kala sareeyaa ee madax laysugu yahay waa sharciga,
cid sharciga ka weynina ma jirto.

Heestan gaabani mar waa garnaqsi, marna waxay hanbalyo u tahay xaqa guuleeysta.

Gudoonka mucaaridkiyo
Go’aamada wadatashigu
Garoo hoy waa dan qaran
Xil-koodey gudanayaan
Dalkay gurmad ugu yihiin

Distoorka la geesmariyo
Sharciga la gaboodfalee
Dadweynaa laga galeey
Bad-baado u goobayaan

Inaan garab joogsanoo
Goroonka u soo baxnaa
Codkeena ka geysanaa
Gar iyo waa waajib qaran

Garsoorkow mahad allee
Garaadkiinaa wacnaa
Go,aankuna waa mudnaa.

Marnaba kuma goynayoo
Xaqoow kuma Gaasiroo
Runeey geed kuma xidho
Xumow abid kuma guntado.

..Ilaahaw xaqa na waafaji..

Magaca Heesta: Gudmad
Curiye: Omar Ali Abdi
Taariikh: 23.07.2015
Email: Omar.a.abdi@gamail.com
Norway, Stavanger. – See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160577#sthash.0aMWzcUK.dpuf