Maxaa Cali Guray Uga Baxay Go’aankii Mucaaradka Iyo Muxaafadka Somaliland Wada Qanciyay?

0

Waxad moodaa in madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsabayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inu yahay Sharwayne Qaran oo loo wada dhanyahay halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo.

Waxa muuqata in

aan Shirka ahandihiisa, ujeedoyinka laga leeyahay iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meeldhigin ama aan la qeexin.
Waxa kale oo iswaydiin leh cid gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.

Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inu muran ka dhex dhalin karo is mucaaridka iyo xisbiyada gudahooda.

Wa Bulaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Ku Simaha Gudoomiyaha
Xisbiga UCID