Cali Mareexaan Go,Aanki Maxkamada Kamuu Hadal Ee Wuxu Ka Hadlay Wixi Naftisu Jeclayd… Haldoor Barkhad –

0

Goor sheegto waa 9:15 Am 23 July 2015 khamiis ah, waxaanu socod dheer kaga nimid anagoo ka kooban masuuliyiinta iyo madaxda ugu sareysa xisbiyada qaranka ee waddani iyo ucid Hotel dalxiis iyo hotel hadhwanaag iyadoo ay na dhinac socdaan taageeryaal badan kadib markii ciidamo fara badan oo wata gawaadhi gaashaaman oo tiradoodu tahay 17 isku geedaameen hoteladii aanu wada joognay waxaanu si nabadgalyo ah ku soo galnay Maxkamada Sare ee Jamhuuriyada Somaliland waxaanu fadhiisaney qolka weyn ee dhageysiga dacwadaha.

Iyadoo ay soo galeen garabki dawlada u matalyey dawcada dhageysigeeda sidoo kalena ahaa eedaysanayaashii aanu dawacada ku soo oogney oo kala ahaa Wasaarada Arimaha Guddaha iyo Taliska

ciidanka booliska Somaliland.Waxa aniga iyo 2 garyaqaan oo kale oo xisbiga waddani iyo ucid dacwada uga wakiil ahaa fadhiisanay goobtii loogu talo galay garyaqaanada iyadoo ay nala soo fadhiisteen xeer ilaaliyayaashii.

Waxaa soo galay gudoomiyaha maxkamada oo ay wehelinayaan garsoorayaashiisi sida sharcigu dhigayo waanu wada istaagnay gudoomiyaha ayaana na amray in la wada fadhiisto waxaana la soo daayey saxaafadii oo dhan, gudoomiyaha ayaana bilaamay akhrinta go,aanka dacwadii aanu gudbineyey wuxuuna go,aanku ka koobnaa afar qodob oo kala ah:

1.      Kow in xisbiyada mucaaridka ahi xaq u leeyihiin iney qabsadaan shirar ay kaga tashanayaan ayahooda iyo arimahooda sida ay dhigayaan qodobada distoorka ee kala ah: qodobka 23aad iyo 32aad.

2.      in si deg deg ah xal looga gaadho muranka siyaasiga ah ee ka jira arimaha doorashooyinka iyadoo  haayadaha ay khusayso la faray iney xal ka gaadhaan si dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi

3.      in aaney banaaneyn shir beeleed ama shir qaran oo ay qaban karaan xisbiyada mucaaradka ahi iyadoo goolayaasha qaranku qaban karaan shir qaran

intaas haddii aan kaga imaad sawirka kooban ee aan idinka siiyey sida uu ahaa kulankii maxkamada iyo go,amadeedii waxaan aad ula yaabay Xildhibaan kamid xildhibaanada goolaha wakiilada Mudane Cali Mareexaan ayaa wuxu sheegay in go,aanka maxkamadu ahaa mid xoojinayey go,aanki goolaha guurtida ee muddo kordhinta xaaranta ah loogu sameeyey xukumada faashilka ah ee wadanki ka qaban kari wayday doorasho xor iyo xalaal ah.

waxaan is waydiiyey su,aal ah Xildhibaanku ma wuxu isku khalday akhrinta warqad taala xafiiska madaxtooyada iyo go,aanka maxkamada sare?

Marka uu leeyahay xildhibaanku waxay sharciyeeyeen go,aanki goolaha guurtida waxaanu fahmin in distoorku sheegay inuu goolaha guurtidu yahay goole garan ee go,aanka maxkamada aanu ku noqon goole qaran meel ay maxkamadu kagaa hadashay mudo kordhin iyo goole guurtina ma jirto balse waxay goolaha guurtidu kamid yihiin sadexdaa goole qaran ee distoorka ku xusan waana waaxda xeer dajinta

Sida ku cad qodobka 37aad  ee distoorka firqadisa 2aad oo leh:

Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.

Muddo kordhinta ay xukumada u sameeyeena dhalisay xaaladaa siyaasadeed ee cakiran xalkana u laadahay xukumadani mana ah sharci go,aanka goolaha guurtidu oo wali Madaxweynihiiba muu dhaqan galin, sida uu xildhibaaku uga jawaab celiyeyna waxaabad mooda madaxweynihii dalka ee loo sameeyey muddo kordhinta kurbada iyo kadeedka ka muuqda hadalkiisa

Xildhibaanka waxaan leeyahay shacabka ayaad wakiil uga tahay qaranka ee ma tihid afhayeenka xukumada inaad sharciga ku ilaaliso xukumada ayaa laguu doortay ee inaad sharci darro ugu hiiliso iyo habab aan habooneyn laguma dooran, waxaanan kala garaneyn iney kaa tahay aqoon darro kaa haysata dhanka fahanka sharciga dalka iyo ula jeedo kale iney tahay!

Ma jirto meel maxkamada kaga hadashay go,aanki goolaha guurtida iyo in madaxweynuhu sharci ku fadhiyo kursiga iyo in kale sida uu sheegay xildhibaanku waa arimaha malaha uu ku riyoodo iney maxkamadu ku dhawaaqday

Ugu danbeyntii go,aanki maxkamada sare ee maantu wuxu lahaa arimo dhowr ah oo ay kamid aheyd:

A.    Cadaalada dalka oo ceel madow laga soo saaray

B.      Markii u horeysay ee la qabto dacwad mucaarid si xaq ahna loo rido

C.    Masuuliyiinti ugu sareysay xukumada oo loo yeedhay fartana loogu fiiqay awoodooda sida Wasiirka Arimaha gudaha, kuxigeenadiisa iyo taliyaha booliska

D.    Xisbiyada qaranka oo xurmadii ay lahaayeen la siiyey

E.      Sawirka siyaasadeed ee Somaliland iyo sumcadeedii oo sare loo qaaday

F Rajadii doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda oo muuqatay

 

Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batun

Email: Barkhad909@live.com

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160566#sthash.NXvufW6y.dpuf