Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama Oo Saacadaha Soo Socda Lugu Wado In Uu Ka Dago Magaalada Nairobi +Sawir

0

Nairobi(BBC) Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama iyo Wafdi Balldhan oo uu Hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka dagay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo ammaankasi weyn loo adkeeyay.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Madaxweyne Mareykan ah uu ku tago Kenya, isagoo joogi doona saddex maalmood oo uu kaga qayb-galayo magaalada Nairobi Shirweynaha 6-aad ee Hal-abuurka Ganacsiga Caalamka, kaasoo diiradda lagu saari doono Sannadkan Ganacsiga iyo Maal-gashiga.1

Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Jomo Kenyatta xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Xubno sare oo ka

tirsan Xukuumadda Kenya.

Ugu yaraan 10,000 oo askari ayaa la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee Kenya, kuwaas oo la sheegay inay sugayaan ammaanka guud ee caasimadda Kenya, saddexda maalmood ee uu booqashada ku joogo.

Maalmaha uu Obama joogo Nairobi ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulammo la qaato Ayeeyadii dhashay Aabbihii Sarah Obama iyo xubno kale oo Qoyskaas ka tirsan, taasoo noqonaysa inuu Qoyskii uu aabbihii kasoo jeeday la kulmo isagoo ah Madaxweynaha Mareyknaka.

Hassan Ali Gele

Â