Masuulyiinta Iyo Tageerayaasha Xisbiga Wadani Ee Qaaradda Mareykanka Oo Taageero U Muujiyey Shirka Wada Tashiga Ah Ee Ay Isla Qaateen Labadda Xisbi Mucaarad –

0

  Baaq dheer oo ka soo baxay masuuliyiinta iyo tageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Qaaradda mareykanka waxay si adag u tageerayaan shirka wada tashiga ah ee ay isla qaateen labadda Xisbi mucaarad iyo madasha wadatashiga. Madaama oo wadanku u baahan yahay badbaado qaran sababto ah xukumadda wadanka loo doortay waqtigeedi uu dhamaad yahay, madaama wax muddo kordhin ah oo sharciyi anay jirin ilaa iyo hadda sidaa daraadeed Xisbiyada mucaaradku waxay xaq u leeyihiin in ay shiraan si ay u badbaadiyaan qaranka Somaliland madaama oo ay yihiin haayado dastuuri ah oo markay xukumaddu ku fashilanto waxii qaranku u doortay in ay gutaan waajib kooda; sidaa daraadeed waxan si mugleh u tageeraynaa shirkaas sida nabad galyada leh

loo qabanayo. 

Dhinaca kale waxaan canbaaraneynaa ugana digeynaa xukumadan Siilaanyo ee halileysa ee dadka muwaadinka ah u hajabeysa ee u diidan in ay dalkooda u tashadaan in ay Ka waantowdo cago jugleynta iyo cabudhinta ay ku hayso;  waxanan odhan lahayn ku cibra qaata maamulkii Siyad Barre ee dadka cabudhin jirey iyo halku ku dabeeyey Wiil waal baa laga haya “rag waday wadayoo wuxu walaal ku dhaamo waayay”. Marka cidna xoog laguma maquunin kare ee taas iska ilaawa.  Nabad galyadan ay xukumada Siilaanyo ku dhadhabayso ayagoo ismaqashiina ama iska dhigaaya in kaligood shacabka Somaliland nabad galyada u hayaan miyanay ogeyn in ay nabad galyadu ku timid wada tashi, xoriyaltul qawl iyo isu tanaasul ee aanay ku imanin hajabaad iyo cago jugleyn.

Waxaan kaleen shacabka Somaliland u iftiiminaynaa in ay xukumadda Siilaanyo lidi  ku tahay hanaan socodka dimuq raadinimada  iyo citiraaf u raadinta wadanka Somaliland waxa cadeyn u ah oo ayn ognahay: Saddex shay ayayn caalamku inagu citiraami jirey nabad galyada, xoriyaltul qawlka iyo doorashoyin xalaal iyo xaq ah oo waqtigooda la qabto laakiin saddex doodiba ay madow ku jiraan hada maadamo ogtihiin in ay xukumaddu cayimi waydey in doorasho wadanka laga qabato, maadamo ogtihiin in ay cabudhinayso Xisbiyadda dastuuriga ahaa, haddii xoriyaltul qawl iyo doorasho la waayo Nabad galyana ma jirayso xaqiiqan; talabaad waa ogtihiin xukumadda Siilaanyo siday u maran habaabisay jiritaan Somaliland ilaa iyo maalinti ay bilawdey shirarkii Somaliland iyo Somalia ee marka u horeysay  ka bilaamay Engriiska laakiin loo majara habaabiyay Turkey-kiga, waxaa kalee ogtihiin waxii shabakada been ma sheegtada ah ee Wikileaks qortay in ay Somaliland maamulka Siilaanyo uu kadhigay gobal ka mid ah  Somalia, waxayn kale ogayn in Somaliland ay mamnooc ka ahayd siyaasi ka soo hor jeeda jirataanka Somaliland xitaa haddi u dhashay Somaliland in aanu iman karan wadanka Somaliland laakiin ayaan daro madax waynihi hore ee Putland Faroole oo odhan jirey Somaliland waa Al shabaab aya lagu soo galbiyey Egal International Airport Hargeisa maalinmo ka hor. Marka waxaan kula dardaarmaynaa shacabka reer Somaliland in ay ka feejignaadaan oo ay ka dhiidhiyaan in lagu celiyo waxii ayn ka dagalanay 25th sano ka hor.

Waa bilaahi Tawafiiq,

Yusuf Abdillahi Hirsi

Xidhiidhiya guud Xisbiga Waddani ee U.S.A

 

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160564#sthash.LrPTd9Wa.dpuf