Wasiir Cukuse Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Shirka Ay Mucaaradku Ku Baaqeen

0
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daair Cukuse ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aanka ay Mucaaradku ku gaadheen in ay dalka ka qabtaan shirar.

Waxa uu xusay in shirarka caynkaas ah ay qaban karaan oo keli ah xukuumadda Somaliland “Waxa aan la yaabanahay sababta ay mucaaradku ugu baaqeen in la qabto shir qaran, waxa aan leeyahay waa xaaraan oo Somaliland way ka soo gudubtay” ayuu yidhi.