Xisbiyada UCID Iyo Wadani Oo Warqad U Gudbiyay Guddoomiyaha Maxakamada Sare

0

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Iyo Wadani ayaa Maxakamada Sare u gudbiyay Nuqulka warqad ay kaga dacwoonayaan Awood ay sheegeen in ay xukuumaddu u adeegsatay.

markii ay ka soo baxeen Xarunta Maxakamada Sare ayaa waxa warbaahinta la hadlay Gudooiyaha Xeisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo murashaxa jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

labada masuul ayaa iska dabo maray in ay la yaaban yihiin sababta ay xukuumaddu u hawl gelisay ciidamadii ugu badnaa ee lagu jiheeyay dhaqdhaqaaqa mucaaradka.

ugu horeyn jamaal cali xuseen ayaa faahfaahiyay nuqulka warqada ay u gudbiyeen maxakamada sare iyo sida ay u arkaan ciidamada la hawl geliyay “Waxa aanu u gudbinay warqad guddoomiyaha maxakamada

sare, waxa aanu aad ula yaabnay ciidamada lagu cabsi gelinayo shacabka iyo Xisbiyada Mucaaradka ah” ayuu yidhi

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa isagu sheegay in shirkii ay baaqeen shalay u sidiisa u dhici doono.

“Waxa aanu wadnaa waa wanaag, meelo kale oo Somaliland ka mid ah ayaa u baahan in ay tagaan, ciidankii shalay halkaas la soo tubay looma baahna in halkan soo istaagaan, imisa digtaytar baynu aragnay, shirkaasi wuu qabsoomayaa” ayuu yidhi