Wasiir Abgaal Oo Ka Jawaabay Balantii Mucaaradka

0
Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Cabdi Abgaal ayaa  sheegay in aanay Xisbiyada Mucaaradka ahi awood u lahayn in ay qabtaan shir ay shalay ku baaqeen.

sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayay xafiiskiisa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Wakhtigan looma baahna sabab ay xisbiyada Mucaaradka ahi u yidhaahdaan waxa aanu qabanaynaa shir qaran, waxa aan leeyahay waxa ka horeysa in laga shaqeeyo sidii ay walaalo u wada noqon lahaayeen oo loo suulin lahaa hadiibay jirto qabyaaladi, waxaanan u soo jeedinayaa xisbiyada Mucaaradka ahi in ay ka shaqeeyaan sidii uu qarankani u horumari lahaa” ayuu yidhi