Shirkii Xisbiyada mucaardku ku baaqeen oo saaka Laga Hor Istaagay inuu u qabsoomo, Hotel Maansoor ee haragaysa

0

Hargeysa(BGN):- Isbaheysiga mucaaridka somaliland ayaa waxaa maanta laga hor istaagay in ku kulmaan hotel maansoor ee magaalada hargeysa halkaas oo ay ku lahayeen kulan caadi ah oo ay kaga hadlayeen hawlahooda gaarka ah .

Kulnaakasi lagaga  hor istaagay  ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuulyiinta asxaabta  mucaaridka somaliland iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka .

Ugu horeyn ayaa waxaa madashaasi ka hadlay musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee ucid cabdirashiid xassan mataan waxaana uu yidhi “ waad aragtaan  waxaanu taaganahay barxadii hotel maansoor maanta waxaa aanu laheyn kulan

iska caadi ah halkanina waa meel ganacsi u furan waa meel aanu caadi ugu kulmi jirnay waxaa ay fuliyeen amarkii shalay ka soo baxay xukuumada ee ahaa in aanay mucaaridku galin huteelada oo aanay fadhiisan karin kuna kulmi karin .

Xafiis baanu leenahay kuwaas baanu tageynaa oo  waanu ka tageynaa waxaana aanu shacbiga u sheegaynaa dumuqraadiyadii u lahaa madaxweyne siilanyo maalintii uu mucaaridka ahaa gabalkii baa u dumay maanta waa  xabaal ayey ku dhacdey“Ayuu Yidhi Cabdirashiid Xassan Mataan .

Sidoo kale waa isna halkaasi ka hadlay xoghayha guud ee xisbiga mucaaridka ah Ee Wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade Waxaana Uu Yidhi “Sida uu sheegay cabdirashiid waxaa aanu taaganahay barxada huteel  maansoor wanaad aragtaan ucid  , wadani iyo madasha wadatashigu wey joogan  goobta waxaa amar lagu siiyey in xisbiyada mucaaridku iyo ururkaas mujaahidinta ah ee xaqa ku leh dalku in aanay meelna ku shirin meelna aanay imanin waxaanu u heysaana oo aanu xisbi u nahay in aanu shiri  qaban karno oo aan dadka wax u sheegi karno cid aanu ka aqbaleyno dunida oo dhan anaga oo xisbiya ha shirna ka yeeli mayno “ Ayuu Yidhi Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade

Ugu danbeyntii waxaa madasha ka hadlay soona gabo gabeyey hadalka xildhibaan rayte oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada somaliland waxaana uu yidhi  “Xisbiyada qaranku waa xisbiyadaa qaranka waana qaar distoori ah waa xisbiyada doorashadii dalka diyaar u ahaa ee rabay in xukunka dalka ay la wareegaan waad arkeysaan oo inamadii huteelku waxaa ay yidhaadeen xukuumada ayaa tidhi waxba laguma qaban karo  huteelada magaalada oo dhana amaarkaas ayaa la siiyey waxaana ay arinatni ina xasuusineysaa wakhtii afweyne waxaana aanu leenahay cida waxaas sameynaysaa waa cid sharcigii dalka ku tumatay “ Ayuu Yidhi Xildhibaan Rayte Oo ka Mid Ah Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland .