Wasiir Abgaal Oo Muddo Kordhinta Xukuumada Loo Sameeyey Ku Micneeyey Mid Wax Lagaga Qabaanyo Tabashada Gobalada Darafyada Somaliland

0

Hargeysa (BGN):- Wasiirka Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed  Jamaac Abgaal Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Muddo Kordhinta  Loo Sameeyey Xukuumada Talada Haysa.

Wasiirka Ayaa Waxaa Uu  Sheegay Muddo Kordhinta Loo Sameeyey Xukuumada Talada Haysa  In ay  Tahay Mid Wax Lagag Qabanaayo Tabashooyinka Beelaha Darafyada Somaliland  Isla Markaana Mudadaas Lagu Daray Wakhtiga Doorashada Ay Tahay Mid Lagu Diyaarinayo Saamigii Ay Beelaha Darafyadu Dalku Ay Ku Yeelan Lahayeen Golayaasha Sharci Dajinta Ee Guurida Iyo Wakiilada

Sidoo Kale Waxaa U Sheegay In Sharciga  Lagu Soo Xulay Xildhibaanda Barlaamnku Aanay Aheyn Mid Saxa Balse U Ahaa Mid Ku Meel Gaadh Ah Isla Markaana Uu

Yahay Mid Caqabad Ku Ah Saamigii Ay  Dalka Ku Laheyeen Beelaha Darafyadu .Wasiir Abgaal Ayaa Waxaa U Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Isla Markaana Ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Uu Ugu Baaqey In Uu Ka Hawl Galo Sidii Sharcigaas Loo Hor Marin Lahaa Balse Aanu Ka Hor Imanin   Waxaana Uu   Sidoo Kale Wasiirku  Xaraan Ku Tilmaamay Shir Qaran Oo Ay Ku Baqeen Asxaabta Mucaaridka Iyo Madasha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranku .

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160404#sthash.CHWhpRPW.dpuf