Waxaan Taageersanahay Shirweynaha ay Ku Baaqeen Isbahaysigga Mucaaridku …. mukhtaar Nadaara

0

Waxaaan Doonayaa inaan Manta Bulshadda Soomaliland Dal iyo Gudaba Caruur iyo Ciroolaba u xaqiijiyo Xaalka dalku marayoo iyo sidaa Loogu baahanyahay inaynu Afkaar /Odhaah iyo Aragti isku mida ka qaadano ,Aragtidaas oo u danna Dalkeena Dadkeena Danaheena Diinteena  iyo Himiladeena Hiigsigeena Horumarkeena Hayaankeena iyo Horusocodkeena Daleed iyo Deegaameed iyo Dadeedba.

Sidaa Darteed Manta waxaynu Ogsoonahay inta ka hadhay wakhtigii  -Doorashadda Soomaliland  oo ay Hadanna Xukuumada u Gaan –gaanbiyaayso inay samayso mudo kordhis Xaaraana oo ay Wakhtigeedii ku dhamaysatay Dhagax dhigbeena ,mucaarid u jawaab iyo Hanti Urrursi  oo aanay isku Deyin inay Kasbato Quluubta iyo Cushuurta Shacabkeeda soo doortay.

Xaalka  oo saa iyo  marxaladda oo halkaa maraysa  Waxaan Shacab weynaha Soomaliland

Qaran jog iyo Qurba Jooga U Hoobaa tusaalaynayaa in shacabku Raaco oo Garab iyo Gaashaanba siiyaan Isbahaysiga Mucaaridka ee ka Naxaaya Dadka Dalka iyo Danaheenaba  mucaaridkaas oo aan Manta u arko ka kaliya Ee Dalkan Bad-baadinkara ilaahaybaa waxa bad baadiyee  taas waxaa idin Xaqiijinaysa Sida Hufnaanta Horusocodka iyo Go,aan Qaadashadda leh Ee ay ugga Diirnaxayaan Dadkooda iyo Danahoodaba iyo Rafaadkii iyo Banaan iyo Bacadsocodkii Mujaahidiintii SNM Ee doonayaay inuu Dalkani Noqdo Dalka Lagu Raaxaysto oo Shacabkoodani Nolol Qiimo iyo Qadarinleh Ku Noolaad Shacabkoodu. 

Hadaba Xukuumadan Manta Jirtaa waxay Ku tumatay Himiladii SNM iyo Halgankii shacabku waxaanay Qaaday Waddo La midda Wadooyinkaynu Ka Dagaalamaynay.

Mantanna waxaynu u baahanay Xukuuumadni Ka dhego Adaygtay Toosinta Taakulaynta Shacabka iyo Xisbiyadda Mucaaridkaa  Ee doonaysa inay Dalka Ku maamusho Waxay dooonto oo aha Waxaan Doono Waa Sharci-Xataa Haduu Sharci daro yahay ,Waxaan Diidaa waa sharci daro Xataa Haduu Sharciyahay.

Sidaa Darteed Manta waxaaynu Taageeraynaa Go,aan kasta oo ay Qataan Isbahaysiga Mucaaridku Kaas oo u Eeg wadda Keliya Ee aynu Kagga Gudbi karno wakhtigan Adag.

Sidaas darted waxaa loo baahanyahay in la sameeyo waado kasta oo ay suurta gal tahay in la qabto doorosho xiligeedii loogu tallo galay.

Mukhtaar Mahamed Jama X Diiriye(M.Nadaara)  .

Email.Mukhtaar_1991@hotmail.com