Dareenka Wejiga Furan Ee Ay Shacabku Ku Qaabileen Dhawaaqa Isbahaysiga Mucaaradka Faalo

0

Sida runtiiya waxa aad marbamarka kasii dambaysa aad ogaanaysaa qiimaha iyo karaamada aan sal guurka lahayn ee dadka reer somaliland ku taageeraa dadanhooda hadba cidii wada

Taasina waa sharaf ay ku amaananyihiin dadwaynaha reer somaliland

hadaba marka aan hoos ugu soo daadego dulucda faaladan aaan qalinka u qaatay waxa bilihii u dambeeyay muran ka taagnaa Doorashooyinkii Madaxtinimada iyo Wakiilada

sidaas oo ay tahay oo xaalku maraayo car iyo car ama mindi mindi ku mud

ayaa waxa soobaxday ama dhacday arin looma fadhi ah oo tii horeba ka dhigtay tuba tu ku ilaw

waana arin saamaysay ama bedeshay jawiga shacabka somaliland waayo markasta shscabku waxay dareen qalafsan ka

bixyaan waxkasta oo taabanaaya qaranimadooda iyo qadiyadoo hadaba tan iyo markii ay soo ifbaxday warqadii uu saxeexay wasiirkii hore ee arimaha debeda Maxamed Cabdilahi Cumar waxaad suuqyada iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto aad ka dareemaysa guuxhadaba maanta ayaa waxa isbedelay jawigii shicibka kadib markii ay maqleen shirka ay ku dhawaaqeen isbahaysiga mucaaradku waxana aad ka dareemaysay in ay shacabku ku diirsadeen dhawaaqaas iyo shirkaas lagu badbaainaayo jiritaankood iyo masiirkooda la majara habaabiyay ee ay xukumadu godka madaw la doonayso inay ku rido

 

By Sacad Cali Kaahin plucky