Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Qalab Guddoon Siiyay Saldhiga Dhexe Ee Gabiilay.

0

Gabiley (BGN):- Gudoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland ee Dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka Ah ee Kulmiye Fu,aad Kaamil Ciise Ayaa Maanta Soo Gaadhsiiyay Deeq Ka Kooban Qalab Koombuyuutaro Ah Saldhiga Dhexe ee Degmada Gabiley.

Munaasibad kooban oo lagu wareejinayay deeqdaasi ayaa Waxaa goob-joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi taliyaha qaybta gobolka Gabiley, Maayarka Degmada Gabiley, Maayar-ku-xigeenka Gabiley, Xoghayaha Dawlada Hoose, Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Gabiley iyo Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley.

Taliyaha qaybta gobolka Gabiley Mahad oo deeqdaasi u gudoomay saldhiga degmada Gabiley ayaa uga mahad celiyay xubnaha qurba joogta ah ee gudoomiyayaasha

jaaliyada iyo xisbiga Kulmiye ee dalka Sweden, kuna tilmaamay inay saldhiga u keeneen qalabkii ay u baahnaayeen ee ugu muhiimsanaa.

Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Gabiley Axmed Cabdi Daahir ayaa isaguna halkaasi kalasii wareegay taliyaha qaybta isagoo xubnaha qurbajoogta ahna uga mahad celiyay deeqda ay soo gaadhsiiyeen waxaanu taliyuhu ka waramay ahmiyada qalabkani u leeyahay saldhigooda isagoo xusay in wakhti xaadirkan loo baahan yahay in xogta maxaabiista oo dhan loo baahan yahay qalab lagu kaydiyo kuwanina ay wax badan ka tari doonaan sidii loo tayayn lahaa shaqadooda.

Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Maayar Ku xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta ayaa dhamaantooda soo dhaweeyay deeqda ay gudoomiyaha jaaliyada iyo gudoomiyaha xisbiga ee dalka Sweden ay soo gaadhsiiyeen saldhiga dhexe ee degmada Gabiley, kuwaasi oo ku amaanay xubnahani inay kaalin muhiim ah ka ciyaareen horumarka dalka iyo sidii loo xoojin lahaa amniga degmada Gabiley.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Sweden Sakariye Xasan Wacays iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Sweden Fuaad Kaamil Ciise ayaa ka warbixiyay deeqda koombuyuutarada ah ee ay keeneen saldhiga degmada Gabiley, Waxaanay ugu baaqeen jaaliyadaha kale ee goblka kasoo jeeda inay kasoo qaybqaataan in la xoojiyo horumarka dalka ka socda oo ay ugu soo tabarucaan hadba wixii ay isleeyihiin waxbay tarayaan dadkooda iyo dalkooda.

Ugu danbayntiina xubnaha qurbajoogta ah ayaa iska diiwaan galiyay xafiiska diiwaangalinta muwaadinta ee Dawlada Hoose, kuwaasi oo qaatay kaadhka dhalashada muwaadinimada Somaliland, iyagoo ugu baaqay dadka kasoo laabtay qurbuhu inay ka faa,idaystaan wakhtigooda oo dalkooda iska diiwaan-galiyaan.