Siyaasiyad Caan Ka Ah Sweden Oo Dalkeeda Iyo Midawga Yurub Ugu Baaqday Aqoonsiga Somaliland

0

Hargeysa(BGN)-Gabadha lagu magacaabo  Jenny Sonesson oo ah siyaasad u dhalatay wadanka Sweden kana tirsan xisbiga liberal oo ka mid ah xisbiyada dalkaas ka dhisan, ayaa dalkeeda Sweden iyo Midowga Yurub ugu baaqday inay aqoonsadaan qaddiyadda Somaliland.

Haweenaydan oo sidoo kale xilal ka soo qabatay dalka Sweden, waxa ay shalay wargeyska caanka ah ee Dagens Industri ee ka soo baxa wadankaas ku baahisay qormo dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Waa in Sweden iyo Midowga Yurub aqoonsadaan Somaliland.”

Ms. Jenny Sonesson, waxa ay qormadeeda kaga hadashay xaaladaha amni darro ee ka jira guud ahaan gobalka Geeska Afrika iyo sida ay

Somaliland oo la aqoonsadaa gacan uga gaysan karto xasilinta gobalka.”anigu waxaan Somaliland booqday laba goor waxaanan u qushuucay waxay qabsadeen shacabka Somaliland. In dimuqraadiyad laga dhiso gobal ku calaamadsan meelaha dunida ugu qaska badan waa guulaha ugu badan ee ay dimuqraadiyadu gaadhay waxaanay u qalmaan in indho gaar ah dibadda lagaga eego,” ayay ku tidhi qoraalkeeda.Waxa ay qoraalkeeda ku tilmaantay in Somaliland tahay dawladda keliya ee dimuqraadi ah ee ka jirta gobalka Geeska Afrika. “Somaliland waxay doonaysaa inay Geeska Afrika ka dhisto qaran shaqaynaya oo la dagaalama argagixisada. Gobalka Geeska Afrika dawladda keliya ee si dimuqraadi ah loo doortay waa Somaliland.” Ayuu yidhi qoraalku.

Jenny Sonesson, waxay qoraalka ay ku qortay wargeyskan caanka ah ku sheegay inkastoo uu Mdiwoga Afrika warbixin uu soo saaray sannadkii 2006 ku sheegay inay Somalialnd buuxisay shuruudaha qaranimo, haddana aan weli la aqoonsan. “Midowga Afrika wuxuu sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii aqoonsi ee qaran. Laakiin wadamo ka tirsan Midowga Afrika oo ah keligii taliyayaal ayaa doonaya inaanay Somaliland noqon qaran madaxbanaan. Sweden oo aqoonsatay Falastiin, waa inay Midowga Yurub dhexdiisa uga shaqaysaa sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.” Ayay tidhi.

Jenny Sonesson, waxay sheegtay in siyaasiyiinta Somaliland yihiin kuwo hanweyn oo aan doonayn mucaawimo baryo ah balse doonaya inay wadankooda dhistaan “Siyaasiyiinta Somaliland ee aan la kulmay waxay dhisayaan qaran shaqeeya oo tusaale u noqda Geeska Afirka iyo gobalka oo dhan. Ma baryayaan caawimo, waxay doonayaan inay soo jiitaan maalgashaydaal caalami ah. Waxay doonayaan inay la dagaalamayaan aragagixisada iyo budhcad badeeda.

Ugu dambayn waxay qoraalkeeda ku soo gunaanaday, “In badan oo ka mdi ah qurbe joogtu waa inay laabtaan oo ay dhistaan wadankooda. Macquul maaha in dimuqraadiyada Somaliland ay u dabranaato dagaalada Somaliya. Haddii ay Sweden run ka tahay taageerista xuquuqda aadamuhu iyo ganacsiga Geeska Afrika waa inaynaan ka aamusin Somaliland oo u taagan la dagaalamka Al-Shabaab.”