Waxyar ka dib badhasaabka cusub ee gobolka awdal markii la soo magacaabey waxa sida fiinta fiid cawl uga qeylyey badi bulshada reer awdal oo qalad fahmey habka uu wax u wado , aniguna aqoon buuxda oo aan horey ugu la haa mr.ramaax waxa aan qoraal dheer maqaal magiciisu yahey ku qorey ( badhasaabkii abid ugu waxqabadka badnaa ee soo mara gobolka awdal)  runtii waxa aad moodaa sidii sahankayga iyo malaheygu ahaa in ayuu  wax u wado mr.ramaax cali hayste ,aad iyo  aad ayaanan ugu bogaadinayaa habka uu u wado hawl maalmeedkiisa shaqo oo uu karti badan soo bandhigey.
2Ambulance ayuu madaxweynuhu siiyey gobolka awdal  ee ‘600,000  iyo dheeraadka  qof’
ku nool  yahey oo aan horey wax layidhaa ambulance aanu u oolin marka laga yimaado 1 ambulance oo 2002 cusbitaalka borama wasiir markaa joogey ugu deeqay .2dan ambulance ayaa ku yimi dadaal iyo baadi goob kadib,hada mid ayaa lasiiyey cusbitaalka guud ee borama .
Boon waa caasimada 2aad ee gobolada awdal iyo salel marka la eego dhanka dhulshada ku nool ,baaxada degmo ahaan iyo sida ay istiraatijiyad ugu tahey  badhtanka oogo iyo guban ka , waxa ii muuqata in boon wax badan  la hagradey se   baahideeda bulsho tiro beel yahey marka la eego adeega caafimaad iyadoo oo tan kala wadaagto degmooyinka  gobolka oo dhan se boon  ha la siiyo ambulance ka hadhey , waayo waa magaalada 2aad ee ugu saxmada dad badan gobolka ,ambulance kaasi waxa uu noqonayaa mid u adeega  dhamaan bulshada ku sugan xaalad degdeg caafimaad  ee ku dhaqan xariirad ,xeeb oo dhan ilaa inta borama u dhaxeysa.
Hadii   ay dhacdaba in boon weydo ambulance kaasi , waxa kale oo u baahi badan deegaanada durugsan  ee xariirad , saylac, c/qaadir, gargoorey, dhagaxa madow, fadhi-xun, lughaya ilaa garbo-dadar.
Hadii ay dhacdo in sida  hada uu u haystaba wasiir xigeenka caafimaadku ambulance  kaasi ee uu ka reebey kan hada borama la siiyey oo uu waliba  siiyo degmada uu ka soo jeedo hayb ahaan ee  quljeed  oo quljeed laf ahaan taada  dhawaan loo qodaayey  ceel biyood  oo riig ah, waxa cadaaneysa in uu wasiirkaasi  quljeed  oo kaliya  wasiiir u yahey , nin qabiiliya oo daneysta ah ayuu  ku sifoobayaa , oo ay taa macnaheedu noqonaayo in  nin waliba marka uu wasiir noqdo  deegaan kiisa iyo tiisa uun ka fikiro oo wax la yidhaa dan guud oo gobol  iyo sida  ay u kala mudnaashiyo baahiyeed   badanyihiin.
Gunaanad :
Baahiyo adeeg  oo  tiro beelay  ayaa dhan walba oo gobolka ah yaala ,waxase ay mudan yihiin  in bahiyaha yaala gobolka baaxadooda lagu sar jaro  iyadoo la cabiraayo mudnaashiyahooda .
Qulujeed  col iyo colaad uma qabo tolkey iyo reerkayguba uu yaala , dhawaan ayaa biyo loo qodaayey  qulujeed , handana  ambulance  haloogu daro ma dhadhameyso oo waa laga fiicanyahey sidaasi , wixii  laheylo  gayiga  halagu muunadeeyo  oo mid ba wax  hala gaadhsiiyo.
By: Dr.khadar maxamed faahiye
0634438660