Xisbiga Wadani Maaha Jeel Qofkii La Jaan Qaadi Waayaa Wuu Ka Bixi Karaa, Kii La Jaan Qaadaana Wuu Sii Joogi Karaa …By Abdirahman Hussein Hufane ( Kaar ). – See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160204#sthash.eI6eisQI.dpuf

0

Gudoomiye Cabdirahman Ciro Ahna Madaxweynaha Mustaqbalku Waxa Uu Yidhi:  Xisbiga Wadani Maaha Jeel Qofkii La Jaan Qaadi Waayaa Wuu Ka Bixi Karaa, Kii La Jaan Qaadaana Wuu Sii Joogi Karaa Waana Sunaha Dimuqraadiayada. By Abdirahman Hussein Hufane  ( Kaar ).

Shalay ayay ahayd markii diyaaradii siday Gudoomiyaha xisbiga wadani ahna madaxweynaha mustaqbalka ee dalka  mudane CABDIRAHMAN MAXAMED CABDILAHI CIRO diyaaradii siday soo caga dhigatay AIRPORT ka Hargaysa ee EGAL INTARNATIONAL si nabad galyo ahna u soo gaadhay dalkiisa isaga oo ka soo kicitimay wadanka aynu deriska nahay ee Djabouti, Waxa uu isla markiiba u diray hambalyada ciida shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay dunida daafaheeda



ka joogaan waxa aanu yidhi:
Waxaan halkan hambalyada ciida ugu dariyaa dhamaan shacabka reer Somaliland waxaanan leehay ciidan ciideeda ilaahay ha inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado saalixa iyo cimri dherer.
Waxa uu sidoo bulshada dalka u sheegay inuu u yimiday  si uu u wala wadaaga farxada maalinta ciida.

Waxa kale oo uu ka hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay ay qaadaa dhigayeen bulshada reer Somaliland saxaafada qaarkeedna wax ka qortay, warkaasi oo sheegayay inuu xilka gudoomiyenimo  ee baarlamaanka uu iska casilayo marka uu dalka ku soo guryo noqdo, isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi : Xilka gudoomiyenimo ee aan baarlamaanka ka hay waxa aan iska casilayaa maalinta uu madaxweynuhu digreeto ku soo saaro maalinta la qabanayo doorashada dalka ka dhaci doonta ee fooda inagu soo haysa.

Gudoomiye CABDIRAHMAN MAXAMED CABDILAHI CIRO waxa uu sidoo kale ka hadlay saddexdii xubnood ee iska casilay xisbiga wadani ee kala ahaa Mr Riyo raac oo ahaa xoghayihii qorshaynta xisbiga wadani, Mustafe Qodax oo ahaa  xoghayihii arimaha gudaha xisbiga wadani, iyo gudoomiyihii garabka dhalin yarada ee xisbiga wadani, waxa aanu yidhi gudoomiye CIRO oo arimahaasi ka hadlayaa :Xisbiga wadani maaha jeel qofkii ama kooxdii la jaan qaadi kari waydaa way tegi kartaa, kuwii la jaan qaadi karaana way sii joogayaan waana sunaha dimuqraadiyada, wax xag xagasho oo aan u jeedinayaana ma jirto.

Hadalkan uu gudoomiye CIRO ka jeediyay madaarka hargaysa waxaa uu ahaa mid ay ka filayeen dhamaan taageerayaasha xisbiga wadani meel kastoo ay daafaha dunida ka joogaan, waxa kale oo ay wadada u xaadhay siyaasiyiin badan oo hankoodu ahaa inay ku biiraan xisbiga wadani balse ka qabay fikir ah in la isku colaadiyo oo dad gaar ah ay gacanta ugu jirto talada xisbiga wadani.

Hadalka Gudoomiye CIRO waxa kale oo uu niyad jab iyo fool xumo aan ka soo kabasho lahayn ku noqday xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye iyo madaxtooyada dalka looga arimiyo oo filayay inuu eed iyo canaan culus dusha uga tuuro xubnihii iska casilay xisbiga wadani haatana ah dibad wareega, balse la filayo inay bilaha soo socda ku biiraan xisbiga talada dalka haya ee kulmiye.

Gudoomiye CABDIRAHMAN MAXAMED CABDILAHI CIRO waxa uu asiibay wadada saxda ah dimuqraadiyada, taasi oo mustaqbalka inoo horseedi doonta inaan colaad loo qaadin cidii xisbi intay iska casisho xisbi kale ku biirta arintan oo haatan ka jirta guud ahaan dalka.

Sidoo kale gudoomiye CIRO waxa uu tusay  shacbi weynaha reer Somaliland in sharciga iyo nidaamka xisbiga wadani ku hawl gala yahay kan dimuqraadiyada ee aad saaxiibka ku noqonaysiin dadka fikirka aad qabtaan hogaaminta dalka iyo sida horumar  lagu gaadhsiin lahaa dalkeena, gudoomiye CABDIRAHMAN CIRO waxa uu mudan yahay inay ku daydaan hogaamiyayaasha xisbiyada kale iyo dadka rajada dheer ka qaba in laga gudbo qabiilka loona gudbo dimuqraadiyad si dalkani uu u noqdo mid dhidibo adag ku taagan.

Wabilaahi Tawfiiq.

Abdirahman Hussein Hufane ( Kaar )
Tell: 063-4559102
Email:
Kaar5581@gmail.com
Borama.