Samaale:Siyaasi Damac Iyi Hiraal Siyaasadeed Leh.

0

Maalmihii u danbeeyey waxaa warbaahinta kujiray warar la xidhiidha siyaasiga cabdicasiis samaale oo tan iyo markii uu dawlada ka ruqsaystey aan lagu arag warbaahinta iyo goolaaftanka siyaasada, hadda se u muuqda inuu soo rogaal celiyay,una xusul duubaaya inuu saaxada siyaasad dabka u shido maadama ay in dhaweydba ay dambas ahayd.warbaahintu siyaallo kala duwan ayay uga hadashay dhaqdhaqaaqyadii u danbeeyay ee samaale,  badi se waxay uga faallootay si taban. Hadaba waxaan si koban qormadan barakaysan ugu eegaynaa sooyaalka siyaasadeed ee cabdicasiis samaaale.si aynu meesha uga saarno waraka kutirikuteenka ah ee bulshada loo weriyey.
Samaale ,Ma yahay siyaasi bisil oo hanan kara mansabka siyaasiga ah ee uu u socdo?mise waa layli siyaasadu



ugub u tahay?
Bal aan eegno sooyaalka samaale ku lahaa tobankii sano ee danbe siyaasada Somaliland.
Wixii ka danbeeyay aasaaskii ururada siyaasadeed ee 2000, wuxuu ahaa  shaqsi si weyn uga dhexmuuqda siyaasada Somaliland. isagoo kamid ahaa hogaanka sare ee xisbiga hada tallada haya ee kulmiye oo mudo  ahaa, xisbi kulmiyey haldoorka dalka gaar ahaan siyaasinta ugu miisaanka culus dalka,samaale kuwaas ayuu kamid ahaa,foollaadkoogana wuu ahaa,markii danbe ee ay timid doorashadii baarlamaankuna wuxuu noqdday musharax golaha wakiilada ah isagoo kamid ahaa xubnihii ugu codka badnaa golahan hada jooga, misana noqday guddoomiye kuxigeenka koobaad ee baarlamanka,si weyna wuxuu samaale siyaasada uu uga dhex muuqday mudadii uu kujiray baarlamaanka isagoo si aadna loogu bartay mucaaradadii adkeyd ee uu ku hayey xukummadii udub, mucaaridadiisu ma ahayn mid shaqsi weerara sida ay maanta u badan yihiin kuwa maanta joogaa, se waxay ahayd mid togan oo wax dhisaysa oo toosina, oo markaas ku aadan maamulka dalka jiray,waana ta  uu kaga duwanaa siyaasiyiinta kale ee kulmiye oo iyagu si shaqsiyana u aflagaadyn jiray  mudane rayaale waana mid ka reeban milgaha iyo dhaqanakeenna aflagaadada shaqsiga ahi se maamulka waa lanaqdin karaa.
Dhinaca kale, xisbiga kulmiye ilaa aasaaskii ilaa maanta waxaa uu ahaa nin il gaara lagu eego maadama uu yahay nin aan qarsan damaciisa si  aan gabasho lahayn eelka soo dhiga ilaa haatana xisbiga kulmiye wuxuu ku yahay laf dhuun gashay ,kulmiyena wuxuu ku dhici la’yahay inuu qabto shirweynihii xisbigaa ee lagu soo dooran lahaa musharaxa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Mudadii uu hayey xilka wasiirka maaliyada wuxuu galaangal siyaasaddeed oo xoog leh kuyeeshay golaha xukummada iyo xisbiga kulmiye isagoo kasbaday taagerada madaxweyne silaanyo oo marka horeba dhabarka soo taabanaayey, una arkaayey in madaxweyne siilaanyo ku taban tabinyaayo hirdanka uu lagelaayo gudoomiyaha kulmiye mudane muuse biixi,sidoo kale, wuxuu iyana kasbaday taageerada golaha wasiirada iyo badi aqlabiyada xisbiga tallada haya ee kulmiye ahaana ninka labaad ee ay katallo qaatan fuliyaana awaamiirtiisa, marka laga tago madaxweyne siilaanyo oo isagu ah marjaca loo noqdo, lakiin inta badan uu samaale waday hawsha maadaama uu ahaa gacanta midig ee madaxweyne siilaanyo,taa kasawna samaale oo xeel siyaasaddeed adeegsanaya wuxuu laftiisu  uu dhabarka soo taabtey wasiirka arrimaha dibbeda mudane maxamed biixi yoonis oo uu u arkaayey gaashaan uu iskga dhigo karo muuse biixi, illeyn lafo geri iyagaa la isku jebiyaaye ,maxamed biixina uu ku dhawaaqay inuu musharax yahay inkastoo labadooduba ay shuruud uga dhigayeen madaxweyne siilaanyo dabadii[intuu haakah ka odhaanyo, mudaday doonto ha qaadadtee!!!!!!].
Dhinaca kale ,waxaad aragtaa raadka ay xukummada ku yeelatay ka tagistiisii golaha wasiirada,waxaa iscasiley mid kamid ahaa ragii ugu cadcadaa xaga guulwadida madaxwene siilaanyo,halka qaarna ay ku riday niyad jab weyn oo ay si caga jiida ugu jiraan weli golaha wasiirada.
Hadaba,samale mudadii uu kamaqnaa xukumada wuxu ku jiray dadaalo diblumaasiyadeed oo uu ugu goggol xaadhayo kamidho dhalinta damaciisa siyaasiga ah ee mudada soo jiitamaayey,isagoo ka waday magaallooyinka hargeysa iyo gabiley  kulamo heer sare ah oo uu layeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada haday noqoto: aqoonyahanka,dhalinyarada, qurba-jooga,siyaasiyiin iyo xataa xubno katirsan golaha wasiirada iyo xisbiga kulmiye oo siyaasada ahaan taabacsan isaga, waxa kale oo uu safaro kutegay dalalka Kenya iyo imaaraadka[UAE] isagoo halkaasna kabilaabey dhisida  xulufo siyaasadeed oo hor leh. Ugu danbeyntii cabdicasiis samaale hadii uu kuguuleysto damiciisa kulmiye iyo hadii kaleba waa nin  saameyn kusii yeelan doona guud ahaan siyaasada dalka,xisbigii uu tagana aan  ula tagi doonin gacmo madhan se gelin doona dhiig cusub.

IID Cumar Cali

Eidomer4@hotmail.com –