Maraykanka Oo Soo Saaray Sharci Yarayn Doona Xadista Talefannada Casriga Ah Ee Fara Baas Ku Haya Dadkiisa

0
Gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa dhaqan geliyey sharci cusub oo loo bixiyey ‘Kill Switch’ kaas oo waajib kaga dhigaya dadka iibiya talefannada gacanta ee casriga ah, in ay talefanka ku shubaan barnaamijyo qofka talefanka iibsada u ogolaanaya in marka laga xado uu talefanka qufulo.

Barnaamijyadan u gaarka ah qofka talefanka casriga ah leh ayaa ah kuwo u sahlaya in uu meel dheer isaga oo jooga talefankiisa maamuli karo isaga oo internet ka adeegsanaya, si tuuggu aanu u isticmaalin ama xitaa u eegin xogta iyo talefannada qofkan ugu kaydsanaa talefankiisa.

Barnaamijyadaas oo ah kuwo aanu tuuggu ku jebin karin farsamo kasta oo casriya ayaa ay masuuliyiinta gobolka California

ee dalka Maraykanku aaminsan yihiin in tuugta uu ka niyad-jebin doono xadista talefannada casriga ah, maadaama oo ay sii og yihiin in haddii ay xadaan talefankaas aanay ka faa’idaysan karin.Barnaamijkan ayaa tuugga weydiinaya in uu fure geliyo talefanka, haddii aanu garan furahaasna waxa uu ka hor istaagayaa in uu jebiyo ama xitaa dib u masaxo (Format) talefanka oo dhan sida imika dhacda.

Sahamin intii aan sharciga waajibanaya laga soo saarin barnaamijkan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in uu si aad ah u yareeyey xadistii talefannada ee dalka Maraykanka oo sannadkii 2014ka ee barnaamijkan aadka loo isticmaalay gaadhaysay Laba Milyan iyo Boqol kun oo talefan, halka sannadkii kaas ka horreeyey ee 2013ka la xaday talefanno dhan 3 Milyan iyo boqol kun oo xabbo.

Gobolka California ayaa noqonaya kii labaad ee dalka Maraykanka dhaqan geliya sharcigan, waxaana hore looga dhaqan geliyey gobolka Minnesota, laakiin sharcigani qofka macmiilka ah kuma waajibanayo in uu ka shaqaysiiyo barnaamijkan ku jira talefankiisa casriga ah.

Sharcigani waxa uu gobolka California ka dhaqan galay arbcadii ay bisha Julaay curatay, in kasta oo tukaamo iyo shirkado waaweyn oo talefannada casriga ah iibiyaa ay durbadiiba ku dhawaaqeen in ay u hoggaansamayaan, haddana waxaa lagu wadaa in muddo ay qaadan doonto inta uu dhaqangelkiisu baahayo, iyo inta lagu arkayo midhihiisa.