WIKKILEAKS WAA CIIDAMADDA QARSOON EE SOMALIND ILAAHAY AYAANA KA SHIFEY DOWLADDA SIRAANYO EE WAQTIGEEDU DHAMAADEY!!!‏

0

WIKKILEAKS WAA CIIDAMADDA QARSOON EE SOMALIND ILAAHAY AYAANA KA SHIFEY DOWLADDA SIRAANYO EE WAQTIGEEDU DHAMAADEY!!!!!!!!!!
Waxaan salaamaya dhamaan inta jecel ka biyo dhalinta aqoonsiga Somalind ee isha ku haysa dalkooda ee dal-jiraha ka ah.
Waxaan ka hadleyna sirtan ilaahay ka shifey ee Wikkileaks sacuudiga ku jabsatey.Waxaan leeyahay waa mid maalin walba dhacda in la jabsado compaturadda iyo E-mail korta taasi waan og nahay tan kale Sacuudigu isaga maamula Emaraadka oo warka xaqiiqadda ayuu haya.Tan kale Ahmed Siraanyo ma aaminsana Somalind iney gooni isku tagto waa xaqiiq wuxuu aamin san yahayn SOMALI WEYN.
WIKKILEAKS WAA CIIDAMADDA QARSOON EE SOMALIND ILAAHAY AYAANA KA SHIFEY DOWLADDA SIRAANYO EE WAQTIGEEDU DHAMAADEY!!!!!!!!!!
Somalind Cigaal Ilaahay how naxariistee ayaa inoo dhisey HAYKALKA DOWLADNIMO ee maanta aynu haysano,Cabdiramaan tuurna how naxariistee  waa inoo xoreeyey riyaalana waa isku keen hayey oo ciidamo ayuu inoo dhisey,xusbiyo iyo
 4 doorasho ayuu inoo qabtey ee maanta Somalind xalkee mareysa waxaa lumey haykalkii dowladnimo oo si aynu nahay lama garanayo,reerkan siraanyo ka dhashey qof qof qabanaya ma jiro oo waxaad mooda KACAAN BEELEYSAN.
Hadaan shicibka iyo qaranimada loo tudhina waa burbur waxana rag baa soo dhisey oo ilaashanaya bal gabeyan u fiirso iyo maanta waxa jira.
 
Gabbal dumey habeenkoo dam yidhi,oon dayaxu joogin
Dab bakhtyey kul dayro-dhaaf, diqin wax laynaysa
Dibindaabto xeer dabar-go’oo,doorashiyo been ah
Dumar iyo caruur ooyayoo,duqeydu yeedheyso
Xaq daguugmey daa’imo la dhacey,dunida oo qiiqday
Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey
Dan hallawday guri daad watiyo,dawladnimo qaawan
Calankoo ushii diideyoo,daabku celin waayey
Fin dillaacay doog soo kacdoo,arami soo daacdey
Ayuun baa  dareenkii labaad, daaha lay fureye
Intaasoo dur-xumo oo dhacdaa,daawa lay yidhiye.
Waxaa hadaba shantii sano ee xukumadan Siraany inagu dhacay oo Somalind bulshadeeda haleelay wax nafsi ah oo haykalkii ,hamigii,halbeegii ,higsigii, iyo siyaasadii gaani isu taaga Somalind ayaa dhawac soo gaadhey oo waxaa ina haleeley cuduro xun xun oo daweenteedu waqti inagu qaadaneyso waa:
-waa Qabyaalad iyo kacaan beeleysan.
-waa qaraaba-kiil iyo qos wax wada maamula.
-waa guulyadayaal,hungri,dhuuni iyo caloolo soo wada shaqo tagey.
-waa qadiyadii Somaliland oo dhawax soo gaadhey oo sidii neef dhawaca oo dhiig ka da’ayo oo waraabo uriyey oo kale ayaa xamar dakadeenii berbera iyo hawadeena ka hadleysa.
-Aqoontii oo laga tagey oo qofkii aqoonta laha ayaa inan yer oo xariif tuulo ah,jaahilnimo iyo indha adeg isku darsadey la hor dhigey.
-Kali talisnimo iyo xadhig iyo car juuq dheh waad la socotaa HUBAAL iyo HATUF in la xidhey waa rag meesha ay caruurta biilka ugu soo sarayeen.
-Sixir barar iyo saxariir ayaa shicibkii ku habsadey.
-Beentii baa run laga dhigaya oo sacabka loo tumaya.
Maanta ummadda Somalind u taala in qarankan la badbaadiyo xaqiiqdii ummadu waa neceb tahay qabyaaladda,dayrarkan madhan ee uu dhisey siraanyo ee wali qandaraaska uu siiyey inan adeer uu u yahay ayuu isleeyahay wax baad qabatey waa been,Siyaad Barre siduu xamar u dhisey,hadana waxa lagu diidey waa qabyaalad iyo markii uu ku dhacay shilka babuur 1985 ee reerkiisii talada la wareegen waa MAAMA QADIIJA MACALIN,BULUQBULUQ WALAALKII,MASLAX INANKIISII,GAANI ADEER BUU U AHAA,MOORAG INTIISA AYUU QABEY,Miyaaney intaasiba jirin maanta oo aaney ka talin Somalind.
Waxaan ku soo gabagabeynaya gabeygan:
 
Haddii shicibku calankuu tabcaday,loogu tudhi waayo
Tis dhan oo qabyaalada haddii,tuurta lagu qaato
Maantana Taleex iyo haddii,Taamo laga muujey
Tariikhdii Karal haddii,taabka lagu haysto
Tol-maroorsi xaajada haddii,nala taraarsiiyey
Taajkii yimaaddaba hadday,toban ku saaxiibto
Tafaraaruqii hore hadday,tanina noo raacdo,
Idinkuna tigaaddiyo njmcada,taransan maysaane
Tambareeri uunbaydin noqon,tiriyey shaashkiiye.
Haddaan laga tanaasulin jarkaa,nlagu taaraayo
Tallahaan ku dhaartaye inay,tegi sidii Koongo.
 
SOMALILAND ILAAHAY HOW GARGAARO GOONI ISU TAAGEDDA 
AMIIN……AMIIN……AMIIN…….
MAHADSANID
ABDI ALI JAMA
LONDON