Khumeyni: Iran Way Sii Wadi Doontaa Halganka Looga Soo Horjeedo Maraykanka”Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Dalka Iiraan Ayatullah Cali Khamayni

0

Hogaamiyaha sare ee Iiraan Ayatullah Cali Khamaniyi, ayaa wacad ku maray inaan waddankiisu joojin doonin diidmada uu Maraykanka ku wajahayo iyo cilaaqaadka caawinta ah ee uu la leeyahay bariga dhexe.

Khamaniyi oo  Sabtidii khudbad dalkiisa u jeediyay dhammaadka Ramadaan awgeed ayaa sheegay inaan dalkiisu joojin doonin siyaasadda adag ee uu Maraykanka ku wajahayo “Ma joojinayno taageerada aanu siino saaxiibadayada gobolka iyo dadka Falastiin,Yemen, Ciraaq, Suuriya,Baxrayn iyo Lubnaan. Xataa heshiiska Nuclear-ka kadib siyaasaddayada ku wajahan Maraykanka is-kibriya(Isla weyn) isma bedelayso” ayuu yidhi Khamaniyi.

 

 

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan waxa uu meesha ka saaray heshiisyo dheeraad ah oo uu Maraykanka la galo “Dawladda Maraykanku waxay taageertaa Argagixisada, maamulka Yuhuudda ee Caruurta laaya, sideenu markaa ugu heshiin karaa siyaasadahaas oo kale” ayuu yidhi Khamaniyi.

 

Waxa uu intaasi raaciyay Khamaniyi “Waxaanu nidhi oo aanu ku celcelinaynaa inaanaan Maraykanka kala xaajoonayn gobolka iyo arrimaha caalamiga ah,xataa kala xaajoon mayno arrimaha laba geesoodka ah(Maraykanka iyo Iiraan u dhexeeya). Waxaa jira arrimo intaas ka soo hadha sida barnaamijka Nuclear-ka, kaas oo aanu maraykanka ka wada xaajoonay si aanu danahayaga u ilaalinno. Siyaasaddaha maraykanka ee gobolku waxay gabi ahaanba ka soo horjeedaan Siyaasaddaha Iiraan”.

Khamaniyi waxa uu sheegay in weedho ay adeegsadeen dadka  Iiraan ee isugu soo baxay damaashaadka heshiiskii Iiraan iyo quwadaha dunida ee oo ay ka mid ahaayeen  “Maraykanku ha dhinto, Israel ha dhimato” ay ka reeban yihiin heshiiska Nuclear-ka.

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan ayaa leh go’aanka u dambeeya ee arrimaha dalkiisa.