Hargeysa: Hooyo Dhashey Wiil Ku Dhintey Hawlgal Ay Ciidmada Boolisku Ku Qab Qabanayeen Koox Ciyareed Oo Xukuumada Baaq U Direy

0

<iframe width=”640″ height=”390″ src=”https://www.youtube.com/embed/4FLgsFBEYTc” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

Hargeysa(Biyo Guure News.com):- Xukun muxumed waa hooyada dhashey wiil dhawaan ku dhintey hawl gal ay ciidamada policku ku qab qabaneyeen koox ciyaareed oo ku ciyaareysay garoonka maxamuud axmed cali ee magaalada hareysa.

Waxaa ay sheegtay in ay ku war galineyso xukuumada somaliland lacagtii xaqa ahaa ee inankeeda laga bixiyey in aanay soo gaadhin isla markaana ay dad kale oo aan ehel u aheyn ay u gacanta u galeen xukuumada somaliland magan uga tahay sidii xaqa inankeeda gacanta loogu soo galin lahaaa waxana ay tidhi “Dawlada sharafta leh waxaan ka codsanayaa in xaqii inankeyga oo ku dhintey hawl gal ay ciidmada boolisku sameyn ku dhintey magtii inankeyga ay dawladu

dishay in lay keeno ayaan ka codsanayaa ruux xanuusanaya ayaan ahay ee calanka dawlada ayaan hoos taaganahay “ Ayey tidhi hooyo Xukun Maxamuud .

Sidoo kale suldaan cawil maxamed waramse oo hadhwanaagnews isla goobtaasi kula hadley ayaa waxaa uu xusay in nin kale oo aany isku qoys aheyn ay gacanta u gashay xaqii inankeedu isla markaana aanay jirin wax gacan teeda soo galay waxaana uu yidhi “aniga oo ah suldaan cawil maxamed warsame islaantaas maskiinada ah ee inankedi ku dhintey hawl galka ee ay u ogalatay 12 kun oo dollar reerkuna u daayey waxii uu xaqa u lahaa oo la yidhi halkaas ha looga raro oo jago ha loo siiyo waxana ha loogu dhiso waxii u soo hadha

Nin caaqil ah oo ardaa kale ah oo reerka matalin ayaa is been fariin iyo tuugo ku qaatey inta uu dad sameystay sidii beyna uga maqan tahay wax xaqadii ah oo soo gaadheyna ma jiro “ ayuu yidhi Suldaan Cawil Maxamed Warsame