KULMIYE iyo WADANI Waxba Kuma Kala Duwana Bulshooy ee UCID Taageera? 1aad:

0

Xisbiga talada Dalka haya ee KULMIYE oo ah xisbi lagu hungoobay oo taladii iyo hogaankii dalka ku fashilmay ayaa umadda hadana ka doonaya taageero in uu ka helo,laakiin waxa isna ka liita xisbiga WADANI oo la mid ah xisbiga fashilmay ee KULMIYE,sababta oo ah WADANI wuxuu hogaamiyahoodu ku fashilmay 10 –kii sanno ee uu fadhiyey kursiga golaha wakiilada jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu muujiyey Gudoomiye Cirro mudadii uu fadhiyey kursiga Wakiilada in uu yahay hogaamiye jilicsan,hogaamiye aan lahayn aragti cad oo siyaasadeed,hogaamiye aan qorshe iyo istaraatijiyad siyaasadeed lahayn,wuxuu ku fashilmay in xeerar wax ka taraya danta bulshada in uu soo saaro,waa hogaamiyaha 5-tii sanno ee horena sacabka u tumayey xisbiga KULMIYE 4

sano ee danbaba wuxuu isla sacabka u tumayey xisbiga fashilmay ee KULMIYE wuxuu mudo sanad ah gaar ahaan sanadkan ugu danbeeyey iska dhigayey mucaarad adag laakiin waa mucaaradad afka oo kaliya ah,oo aan wadan qorshe iyo ajande siyaasadeed.

Hadaba su’aashu waxay tahay KULMIYE iyo WADANI oo isku mid ah maxay umadda Somaliland ka faa’iidi karaan inay tageeraan?. Sidoo kale WADANI oo tuhun badani ku jiro siyaasadiisa arimaha dibada gaar ahaan xisbigan WADANI waxa taageera siyaasiyiinta saaqiday ee ka soo jeeda Somaliland ee u shaqo tegay Somaliya,kuwaasi oo marka aad la sheekeysato ku odhanaya WADANI taageera wuxuu wada qorshe muhiim ah,marka aad u sii fiirsato qorshaha uu wadaana waa mid aan ka fogeyn qorshaha siyaasiyiintaasi geeyey XAMAR,marka side lagu aamini karaan siyaasada arimaha dibadda ee xisbiga WADANI ee ay walaalaha yihiin xisbiga Fashilmay ee KULMIYE?

Bulshooy marka la eego labada xisbi ee WADANI iyo KULMIYE waa laba ku walaalo ah fashilka iyo hogaan xumida marka ayaan la idinku khaldin beer laxowsi been ah oo insho sarcaad ah,taasina waxay umadda u horseedaysa fashilaad, marka ha la iska jiro labada xisbi ee walaalaha ku ah fashilka iyo hogaan xumida?

Hadaba is weydiintu waxay tahay xisbigii ayaa umadda hogaamin karo oo danta shacabka iyo danta dalka ka shaqeynaya?

Shaki kuma jiro in xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID uu yahay kan kaliya ee lagu aamini karo mustaqbalka iyo jiritaanka Somaliland, waa xisbi leh qorshe cad oo la doonayo in lagu horumariyo dadka iyo dalkaba, waa xisbi uu murashax u yahay Aqoon yahan ka Soo Baxay Jaamacadda Caanka ah ee ugu qaalisan aduunka ee Dalka maraykanka ,waa jaamacadda HARVARD UNIVERSITY ,waa jaamacada ay ka soo baxeen hogaamiyayaal caan ah, qof kasta wuu dareemi karaa qiimaha iyo kartida ay ugu kacday qof kasta oo ka soo baxa jaaamcadaasi, akhriste uma baahan in halkan ku sharaxno Murashaxa Jagada madaxtinimada ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ee waxaa shaarxaad inoogu filan Jamacada uu ka soo baxay ayaa noo sharaxday wuxuu yahay.

Gabagabadii waxaa haboon in umadda loo tilmaamo halka uu ku jiro aayaheedu iyo mustaqbalkeedu,waxaa mudan in dhamaan shacabka reer Somaliland ku baraarugsanaadaan sidii ay u gaadhi lahaayeen mustaqbal wanaagsan iyo horumar ku dhisan aqoon iyo karti,iyo cidii gaadhsiin lahayd horumarkaasi aynu ka sheekeynayno,waa hubaal in xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID uu yahay kan umadda gaadhsiin karo horumar ku dhisan aqoon ,waa xisbiga soo celin kara rajada umadda ee luntay,waa xisbiga dhalinyarada u abuuri karo shaqo abuur,waa xisbiga wax ka qaban karto aafada tahriibta ee uu dhiiri geliyey xisbiga Fashilmay ee KULMIYE,xisbiga UCID waa rajada muuqada ee maanta Somaliland u maqan laakiin waxa muhiim ah in shacabku garto dantiisa iyo halka ay ku jirto,waxaa lama huraan ah in la iska dhaafo qabyaalada iyo qudhunka lagu halaynayo danta guud,waxa daruuri ah in si qalbi xaadhan oo daacad ah loo wada taageero xisbigan UCID ee mustaqbalka Somaliland lagu aami karo.

La soco qaybaha danbe ee qoraalkan

Maxamed Ibrahim Cali

Email:maxamedibrahim5@gmail.com