Somaliland Dadkii Ayay Sacuudiga U Dhoofinaysa Inta Ay Xoolahii Dhaaftay,Dagaalna Way Galinaysaa…..Mujaahid Dhaga-Wayne

0

Hargaysa(Biyo Guure News.com)Dhaga-wayne ayaa ka Hadlay ciidan laga qorayo gobolka burco kaas oo lagaynayo sidii ay ula dagaalami lahayeen Xuutiyiinta,isaga oo soo jeediyay in Ay Xukuumadu Dhex-dhexaadiso Mooyaane aanay Qayb ka noqonin Dagaalka Lagu qaadayo Xuutiyiinta yaman.

Waxa uu sheegay in Wakhtigii Xukuumadu Dhamaaday loona baahan yahay intaan Si Xun kursiga looga tuurin inuu iskaga Dago,Shacabka Somaliland waxa uu faray in Ay dadkooda Ceshadaan.

Dhinaca kale waxa uu cadeeyay in Dalka Sacuudiga Somaliland u Dhoofin Jirtay Xoolaha Hadana isku Badashay in Ay dadkana ku darto waxaana uu yidhi.

“Maanta waxa Burco laga qorayaa Dad la doonayo in loo qaado sucuudiga oo la leeyahay waxay la dagaalamayaa Xuutiyiinta. dalka Yemen iyo Sucuudigu



waa dal aynu walaallo nahay oo dhaqan iyo diin inaga dhexeeyaan,  inagu (somaliland), inaynu dhexdhexaadino maahee maaha inaynu dagaal ka galno maaha, sidaas darteed waxaan leeyahay dadkeena waar dadkiina ceshada la qaadayo ee dagaalka loo dirayo” ayuu yidhi Dhego-weyne.ayuu yidhi isaga oo u waramayay Telefishanka Horn Cable.
 Muj. dhego-weyne waxa kale oo uu sharci daro ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo xusay in wakhtigii talada loo doortay ka dhamaaday. waxa uu ku doodday inaanay Maanta Xukuumaddu cid ku sheegi karin Sharci daro, balse iyadoo muddadii ka dhamaatay si xun looga tuuri doono Kursiga. “isagoo sharci daro ah oo iga liita ayaanu banaanka isugu imanaynaa Cali Waran-cadde”.

 Waxa uu intaasi raaciyay “Dadkii bani’aadamka ahaa baa la leeyahay askar baa la idin qorayaa oo sucuudigaa la idin gaynayaa, oo sucuudiga Adhiga ayaynu u dhoofin jiraye ma dadkaynu imika u dhoofinaynaa. Sucuudiga xabbad baa ka socota, Xuutiyiintii Yemen bay is dileen, inagu waxaynu xaq u leenahay inaynu walaalnimo ku dhex dhexaadinno”. 

Todobaadyadii u dambeeyey ayaa waxa dibada u soo baxayay warar sheegaya inay dawladda Somaliland ciidamo u dirayso dalka Sucuudiga, kuwaa oo ka qayb qaadanaya dagaalka ka socda Yemen. hase ahaatee warar kale oo arrinta ka duwan ayaa sheegaya in ciidamadaas loo dirayo Imaaraadka Carabta halkaasoo lagu soo tababari doono.