Booliska Ingiriiska Oo Gacanta Ku Dhigay Gabdho Somlaiyeed Oo Ka Dhoofayay Madaarka London Loogan Shakiyay Amaanka

0

Haweeney ka tirsan Xisbiga Liberal Democrats-ka dalka Britain oo la yidhaah, Lady Tonge ayaa la xidhiidhtay booliska markii ay Garoonka diyaaradaha ee Heathrow ku aragtay koox badan oo gabdho ah oo Sabtidii ka Ambabaxayay London.

Gabdhaha oo da’dooda u dhexeysay 11 – 17 jir waxaa la socday hooyooyin iyo ayeeyooyin. Iyadoo Lady Tonge ay u sheegtay BBC-da in Gabdhahani ay ku hadlayeen Afka Ingiriiska, balse Asalkooda yahay Soomaali.

Booliska Bedfordshire ayaa laba gabdhahaas ka mid ah ka hor-istaagay inay Garoonka ka dhoofaan, waxayna sheegeen inay baadhitaan ku samaynayaan hadalka, Lady Tonge.

 

Sidoo kale, Tonge waxay sheegtay in 11-kii July ay Raaci lahaayeen Dayaarada Ethiopian Airlines oo u socotay Magaalada Addis Ababa, Halkaasoo ay kaga sii Dhoofi Lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Lady Tonge iyo mudanaha Xisbiga Shaqaalaha ee laga soo doorto Halifax, Holly Lynch, ayaa iyana u socday Addis Ababa oo ay kaga qayb galayeen shirka Horumarinta Maal-gashiga.

Gudniinka Gabdhaha ayaa sharci-darro ka ah UK, ciddii lagu helana waxaa jira sharci u ogolaanaya Booliiska inay Baasaboorka ka Qaadaan, iyadoo sidoo kale uu mudan karo qofkii lagu helo iyagoo Gabdho yar-yar u dhoofinaya si loosoo Gudo.

Tallaabadan ayaa imaanaysa waqti uu soo dhow yahay Xilligii Ardayda laga Fasixi lahaa Iskuullada. Nick Bellingham oo ka tirsan Booliiska Bedfordshire Wuxuu sheegay inay indhaha ku hayn doonaan gabdhaha yaryar ee loo dhoofinayo dibadda dalka Britain.

Ugu dambeyn, Booliska Scotland Yard Ingiriiska ayaa iminka baaraya illaa 50 Gabdhood oo la sheegay in laga kaxeeyay Britain oo la geeyo Somalia si loogu soo Gudo.

Biyo Guure News.com