“Madaxweynaha Waxa Ku Xeeran Dad Aqoontoodu Meel Hoose Taagantahay Oo Wax Aan Macno Lahayn La Socda” Pro. Axmed Ismaciil Samatar

0

-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa si qoto dheer uga Hadlay dhibaatooyinka Haysta Xukuumadda Somaliland, kuwaas oo u arko inay lagama gudbaan yihiin, isla-markaana loo baahan yahay xalkii lagaga bixi lahaa.Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa dhibka ugu weyn ee xukuumadda haysta ku sheegay mid dhinaca qabylaadda salka ku haya oo aan cilmiyeysnayn.

Waxa uu Professor-ku sheegay in qabyaaladdu dhib weyn ku hayso horumarkii dalka, ”xukuumaddeenaDawladdii dhibaataa haysata, haddaan ku horreeya dad dagaal kasoo baxay wakhti bay ku qaadanaysaa iinay soo kabtaan, Midda Labaadna waa cadaadiska lagu hayaa waa cadaadis qabyaaladeed.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Professor-ka oo hadalkiisa sii wata in qabyaaladda Somaliland taallaa gaadhay heer uu madaxweynuhu xataa shaqadiisii ka gudan kari waayo reero tabasho wado, waxana uu yidhi,”Madaxweynaha waan la sheekaystay oo waxa uu yidhi siddeedaa la igu bilaabaa oo la leeyahay annagana reerkayaga Wasiir-ku-xigeen yar baad na siisay, waxana ku xeeran dad aqoontoodu meel hoose uu yahay oo wax aan macno lahayn la socda.”

Mar uu ka hadlayey waxyaabaha xukuumadda ka dhiman ee loo baahan yahay in la helo, ayaa waxa uu yidhi,”Dawladdu waxaanay aqoonin sida loo abuuro waddaniyad, Waddaniyadduna ma aha oo qudha calan la taagtee waa dhaqan, Dawladduna waa Faqiir oo ma hayso cashuur xoog leh.”

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu bayaamiyey qoddobo muhiim ah xukuumadda iyo Ganacsatada waddankaba, kuwaas oo haddii lagu dhaqmo laga gudbi kari lahaa caqabadaha haatan taagan, waxana uu yidhi,”Anigu haddaan dawladdeena la talin lahaa iyo dadka baayac-mushartariga ah labada oo ay inaga dhabtahay in dalka la dhisaa waa in ganacsatada xisaab cusub loo furaa oo loo dejiyaa qawaaniin, musuqmaasuqana laga daayaa oo iyana ay cashuurta bixiyaan, taasna waajib laga dhigo. Dawladduna inay muhiimaad kala samaysato, oo muhiimaadka aanay noqonin kolba reeraha in la kala hayo oo kolba wixii yaraa ee la hayo loo qaybiyo, waayo reeruhu ma dhergaan.

Biyo Guure News.com