Siyaasiga Duur Oo Si Odaytinimo Leh Uga Hadlay Masuuliyiintii Dhawaan Iska Casilay Xisbiga Waddani

0

(Biyo guure News.com)Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ahaa wasiirkii hroe ee daakhiliga haddana ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii u horaysay ka hadlay saddex xubnood oo xilal ka hayay xisbiga Waddani oo Arbacadii doraad is wada casilay.

Md. Duur, wuxuu si odaytinimo leh uga hadlay is casilaadda siyaasiyiintan, waxaanu sheegay in xubnaha xisbiga ka baxay ahaayeen rag sharaf iyo karaamo leh, isagoo dhinaca kalena sheegay in hawsha xisbiga Waddani soconayso. Qoral kooban oo uu soo saaray wuxuu ka digay inaan laga daba hadal xubnaha xisbiga ka baxay. Qoraal uu Duur soo saaray oo uu ku baahiyay bartiisa facebooka wuxuu ku yidhi sidan “Weedh ku saabsan Xubnaha iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Waddani : Waxaa dhaqanka siyaasadu noqday inta la wada socdo in lays amaano marka la kala baydhona lays caayo ama leys aflagaadeeyo. Haddaba waxaan halkan ku cadaynayaa in taasi tahay caado xun , Xubnaha ka tegay xisbigana ay ahaayeen rag sharaf iyo karrraamo lahaa welina leh sharaftii ay shalay lahaayen mana geyaan xumaan rayigoodana waa u xor .Doonta xisbiga WADDANI waa mid socota soconaysana. Sababta is casilkooda waa la is waydiin doona Waxa keenay.”

 

Qoraalka Duur ayaa u muuqda mid ay ka muuqato odaytinimo siyaasadeed, waana markii u horaysay ee uu xubin ka tirsan xisbiga Waddani ka hadlo is casilaadda xubnahaas.