Wasiirka Kalluumaysiga Oo Sheegay In Suuqii Kalluunka Somaliland la Gayn Jiray Ee Wadanka Yemen Uu Istaagay –

0

Hargeysa(Biyo Guure News.com)-Wasirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed, ayaa sheegay in gabi ahaanba ka ganacsigii Kalluunka ee loo iibay geyn jiray dalka Yamen oo ahaa Suuqa ugu weyn ee Somaliland u iibgeyn jiray uu meesha ka baxay, madaama dalkaas Dagaalo ka socdaan.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika “Suuqii ugu weynaa Kalluumaysiga ee Yemen meesha wuu ka baxay, dadkeenu Yemen ayey u dhoofin jireen Kalluunka intiisi badan,  Yemena waxa uu ahaa dalka ugu badan ee aynu gayno ee Kalluunkeena iibsan jiray, Jabuutina Kalluun sidaas u sii badan inagama qaadato, xagga Itoobiyana sharciyadooda ayaa aad u adag, oo aan ogolayn inay dalkooda waxa galaan, oo Kalluun iyo badeecad kale oo la geeyo aan ogolayn, markaas Yemeni suuq aad sameyn inoogu yeeshay ayuu noqday”. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay ku hawlanyihiin ka xukuumad ahaan inay Kalluunka Somaliland geeyaan wadanka Itoobiya, isagoo sheegay wada hadalo arrintaas ku saabsani u socdaan labada xukuumadood.

 

Dhinaca kale waxa uu Wasiirka Kalluumaysigu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ku dadaalan wax soo saarka,gaar ahaan ka ganacsiga Kalluumaysiga ,waxaanu ugu dambayn  tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo Umadda reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo dalka Turkiga ku geeriyooday, waxaanu ILLAAHAY uga baryey Jannada.