Waa Maxay Wikileaks? Aqoon Korodhsi Ku Socda Madaxda Xukuumadda Kulmiye

0

Ciid mubaarig dhamaan shicibka  S/L   meel aad joogtaanba .Waa markale iyo inagoo liishaanka saareyna ,fadeexadda dul-hoganeysa xukuumadda kulmiye ee wikileaks ku saabsan,Kadib markii ay ii muuqatay in fikir khaldan  xukuumaddu ka haysato wikileaks  waxa ay u taagan tahay ee ay qabato,masuuliin sarsarena uba-haystaan in wikileaks tahay meel  xisbiyada Ucid iyo Wadani waxay doonaan ku soo qoraan, dadweynaha   intiisa aan wax akhriyina sidaas ku majare-habaabinaya, baan isku deyeyaa in aan halkan ku soo bandhino xaqiiqada dhabta ah ee wikileaks u taagan tahay.Aan ku horeyno,qeexidda wikileaks.

”Wikileaks is an international,non-profit,journalistic organisation,that publishes secret information,news letters,and classified media from anonymous sources”. Tarjamad af-soomaali”waa urur caalami ah ,kuna bahoobeen wariyeyaal,aan

aheyn faa’ido-doon(maaliyad),soona tebiya xogo sir ah, dhanbaalo,iyo warar xul ah oo laga soo xigtey qof ama koox  ka gaab-saday in la magac-dhebo”.Akhriste, waxaa  aasaasey nin lagu magacaabo:Julian Assange, una dhashey wadanka ustareeliya, da’adiisuna tahay 44 jir.Shaqadiisu  waa ,xeel-dheere aaladda kombuyutarka,joornaaliiste isla markaana soosare sida buugaagta,joornaalada iwl.Ka horna waxa uu ahaa nin ku xeel-dheer Tabaha kompuutarada xogta loogala baxo/jabsado(hacker). Hada waxa uu magan mudaba u ahaa safaaradda wadanka Ecuador ee London ku taal, waxaana loo haystaa sirahaa uu aduun-weynaha  u soo bandhigey.Haatan waa tafatiraha-guud ee shebekadda wikileaks oo la aasaasey sanadkii 2006kii.Su’aasha  mudan in aan is weydiinaa waa, madhabaa mise waa been-abuur wararka ay soo daabacaan???????.

Akhriste, jawaabta adigu maankaaga la kaasho waxaanse tusaale ka soo qaadaneynaa  dhacdooyin ka dhashey xogo sir ah iyo waliba fadeexaddo wikileaks soo daabacdey oo dheliyey in dawladdo saaxiib ahaa ku kala dudaan dawlaadahas oo kamid ah kuwa caalamka ugu horeeya dhinacyada dhaqaalaha,teknoolajiyadda, aqoonta iyo sirdoonkaba mar kaliya may odhan wikileaks  been-abuur buu qoraa ee inaga dhaafa warkiisa!!!  , rag xadhig ku muteystey soo bandhigida xogaha sida Bradley Manning oo maxkamadi ku xukuntay mudo 35sano ah oo haatan xabsi  wadanka maraykanka ku yaal ka jiiqleh iyo qaar kaloo dalkoodii deyro iyo danbiile ka noqday sida Edward Snowden oo isagu dalka raashiya fakad ku jooga , loona haysto xogo uu shaaciyey.Waxaan qabaa xogaha ku saabsan saxeexa  xukuumadu ku iibsatay qadiyadii ummadda ee dhawaan soo shaac  baxay in aanu been-abuur ahayn intaa waxa soo raaca in xoghayaha xisbiga kulmiye Xasan Siciid af-kiisa ka qirey miisaanka ay leedahay wikileaks iyo wararka ay baahiso.

Waxa kaloo u danbeeyey, xogihii ku saabsanaa dhegeysiga tilifoonada madaxda wadamada yurub qaarkood.Inaga ( soomaaliland) waxaaba ina dhegeysta Xamar iyo jabuuti ( furraha tilifoonka 252 iyo fibre optic cable-kii  oo sub-station jabuuti laga soo talaashey  kana mid ah dhaawaca xukuumadda kulmiye u geysatay qaranka).

Gebo-gebo  waxa marag ma-doon ah in xukuumadda Axmed Siilaanyo noqota caadayste “khiyaamo qaran “, Daliil waxaa u ah in wasiirka wasiirada xukuumadu mudane Xirsi Cali X Xasan  (waa siduu M/weyne Axmed siilaanyo u dhigey e ) toos u qirtey kuna eedeeyey wasiirkii hore ee arrimaha dibeda mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar.Hadal iyo dhamaan arrintu waxay u taal shicib weynaha iyo xisbiyada qaranka ee Ucid iyo wadani , arrintani waxay mudantahay in loo soo baxo” Taxriir Square”, si heeryada Kulmiye leysaga tuuro.Waayo “balaayo madax la qabto bay leedahay ee dabo laqabto maleh”.

Wa bilaahi tawfiiq,

Qalinkii ……………. Cali Jaamac Diiriye

Birmingham-uk

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=160176#sthash.j40P8vDB.dpuf