Marwo Faadumo Siciid Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatey Kana War Bixisay U Jeedka Safar Ay Ugu Maqneed Dalka Dibadiisa +(Sawiro).

0

Hargeysa(BGN):- Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatey Ka Dib Markii In Muddo Ah Ay Safar Ugu Maqneed Qaar ka Mid Ah Wadamada Dibada . Faadumo Siciid Oo Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Kula Hadashey Madaarka Caasimada Hargeysa Ayaa Waxaa Ay Ugu Horeyn Ka War Bixisay U Jeedada Safaradii Ay Ugu Maqneed Wadamada Dibada Waxaana Ay Tidhi“Safarkeygu Waxaa Uu Ku Saabsanaa Booqasho Aan Soo Booqanaayey Laamaha Dibada Ee Xisbiga Wadani , Mareykanka Iyo Canada Oo Aan Iyagana Tagey Iyo Waliba dalka Jarmalka Oo Aan Kaga Qeyb Galay Casuumad Uu Noo Fidiyey Xisbul Xaakimka Dalkaasi Waxaana Aanu Kaga Qeyb Galanay Shirkaas 12 Dal Oo Africa Ah “Ayey Tidhi Marwo Faadumo Siciid . Sidoo Kale Waxaa Ay Ka Hadashey Warqad Ay Dhawaan Baahisay Wakaalada Faafisa Siraha Aduunka Ee Wikileks Oo Sheegeyey In Xukuumada Somaliland Hishiis Faderaal La Saxiixatey Dawlada Somalia Waxaana Ay Tidhi “Horta Taas Markii Horaba Waanu Arkeynay Saan Saanteeda Meeqaamkii Aanu Markii Hore Ka Joonay Beesha Caalamka Maanta Kama Joogno Meel Kasta Oo Aan Maro Waxaa Igaga Hor Imaneysay Somaliland Iyo Somalia Wada Hadlakeedi Midho Dhal Fiican Oo Faderaal Ah Baa Ka Soo Bilaabmaya Markaas Dee Isha Ayaa Macalin Ah Oo Waad Aragtaan “ Ayey Ku Soo Gabo Gabeysay Hadalkeedii Marwo Faduumo Siciid Oo ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani

<iframe width=”420″ height=”315″ src=”https://www.youtube.com/embed/SJMTXLtBpcU” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>