Hargeysa: Marxuum Fu’aad Aadan Cade Oo Aas Qaran Loo Sameeyay Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay

0

Hargeysa(BGN):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Maanta Ka Qeyb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Fu,aad Aadan Cade .

Marxuumka Ayaa Dhawaan Ku Geeriyoodey Dalka Tukriga Oo Cisbitaal Ku Yaala Dalkaaasi Uu Xanuun Ugu Jiifey In Muddo Ah Waxaana Lagu Aasey Marxuumka Xabaalaha Naasa Haboolood Ee Magaalaa Hargeysa.

Aaska Marxuumka Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Dad Aad U Tiro Badan Oo Isugu Jira Madaxweynaha Somaliland , Gudoomiyaha Barlamaanka , Wasiiro , Xildhibaano

, Taliyaasha Ciidamada Somaliland , Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somalilnad Xassan Ciise , Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye , Ehelada marxuumka ,Masuulyiin Kale , Iyo Dad Aad U Tiro Badan .

Ugu Horeyn Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Waxaa Uu Sheegay In U Marxuumku Uu Ka Mid Ah Dadkii Ka Qeyb Qaadtay Nabadeyntii Somaliland Isla Markaana Uu Yahay Shaqasi Qaranka Qaali Ku Ah Oo Maanta Ka Baxay

Madaxweynaha Ayaa Waxaa Uu Marxuumka Ilahay Uga Baryey In Uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyey Ehelkii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxeyna Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo .

Sidoo Kale Waxaa Madashasi Ka Hadley Gudoomiyaasha Xisbiyada Wadani , Kulmiye Iyo Masuulyiin Kale Waxaana Ay Dhamaantood Sheegeen In Fu,aad Aadan Cade U Yahay Shaqsi Qaranka Somaliland Qaali Ku Ahaa Ilahayna AY Uga Baryayaan In Uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo .