0

Masuuliyiin sarsare ayaa iska casilay xilkii ay ka hayeen xisbiga Waddani iyaga oo xisbiga ku eedeeyay inuu dhinac ka yahay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira iyo inaanu daacad ka ahayn mucaaridnimada ee uu xukuumada la safanyahay.Riya Raac

Xubnaha iscasilay ayaa waxaa ka mida xoghayihii arimaha gudaha Mustafe Maxamed Qodax, Xoghayihii Qorshaynta Cabdirashiid Riyoraac iyo Gudoomiyaha dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga.

Mustafe Maxamed Qodax xoghayihii hore ee arimaha gudaha xisbiga Waddani ayaa sheegay in hogaan xisbiga lagu qanci waayay inay ka tanaasulaan mudo kordhinta oo ay sheegeen inay dhinac ka yihiin Dadka loo kordhiyay kana dhaga adaygeen inay ka tanaasulaan mudo kordhinta guurtida “ Xisbiga siyaasadiisu ma Firfircoona, wadahadalkii xukuumada waxaa ogaydeen inaan ka baxay markii la saxeexayay heshiiskii asxaabta oo uu damiirku I siinwaayay inaan saxeexo heshiis uu ku jiro waxaa la ixtiraamayaa mudo kordhintii guurtida”Ayuu Yidhi Mustafe Maxamed Qodax.qodax

Waxaa isna dhinaciisa Cadeeyay inuu iska casilay xilkii uu xisbiga ka hayay gudoomiyihii garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani “Aniga oo ah gudoomiyihii heer qaran ee garabka dhalinyarada, anigoo miyirkayga iyo maankayga qaba waxaan iska casilay xilkii aan xisbiga ka hayay, aniga oo u mahadcelinayaa dhalinyartii, bahwaynta xisbiga Waddani”Ayuu Yidhi Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee X.Waddani.

Sidoo kale, waxaa isna xilkii uu ka hayay xisbiga Waddani ka tanaasulay xoghayihii qorshaynta xisbiga Waddani Mudane Cabdirashiid Riyoraac “Xisbiga Waddani Dhaliilihii Lagaga baxayay waa leeyahay dib u dhaca doorashooyinka ayay qayb ka tahay, waxaa soo kordhayna waa anigii oo dhaliilaynay xukuumada inaanu xagayagii ka badbaadi waynay oo aanu ka jawaabi Karin wayno mudo kordhinta”Ayuu yidhi Cabdirashiid Riyoraac.

Masuuliyiintani waxaa kale oo ay sheegeen inay ka nasan doonaan siyaasada iyagoo carabka ku adkeeyay inaanay ka mid noqon xisbiga kulmiye balse dhinaca ay isku fikir noqdaan ku birii doonaan.

Waa Markii ugu horaysay ee xisbiga Waddani ka tagaan xubno xisbiga aad uga dhexcadcadaa, gudoomiyahana ku eedeeyaan inuu la safan yahay xukuumada, Iyadoo markii horeba bulshada inteeda badani ku tuhmaysay hogaanka Waddani inuu la dhinacyahay xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye.